Cabdikariim Axmed Mooge, oo ah Guddoomiyaha la dagaalanka Qabyaalada, ayaa kulan iskugu eeyay Guddoomiyayaasha Garabada Dhalinyarada ee Saddexda Xisbi Qaran, kuwaas oo muddooyinkan u dambeeyay weedho xanaf leh hawada isu marinayay.
Kulankan uu Cabdikariin Axmed Mooge, qabtay oo ay ka soo qayb galeen Guddoomiyayaasha Garabyada Dhalinyarada ee Saddexda Xisbi Qaran, Abwaano iyo Qorayaal, ayaa waxa ugu horeyn halkaas ka hadlay Cabdikariin Axmed
Mooge,waxaanu sharaxaad iyo faah-faahin uu ka bixiyey ujeedada kulan, waxaanu Dhalinyaradan kula taliyey inay ka dheeradan wax walba oo dhib keenaya, nabadgalyada Somaliland meel uga soo wada jeestaan, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Kulan barakaysan oo ay iskugu yimadeen garabada dhalinyarada Somaliland, kulankaas oo ahaa mid la doonaayey in Garabyada Dhalinyaradu ka wada hadlaan wada jirkooda, midnimadooda iyo ilaalinta Somaliland-nimadooda, kulan ay joogeen dad wanaagsan oo umadda reer Somaliland sharaf ku dhex leh, oo mid waano ah lagu siinayey Dhalinyarada ka socota garabyada Xisbiyada Siyaasada ee Jamhuuriyada Somaliland, waxaan xusi lahaa Abwaan Weedhsame ILLAAHAY khayr ha siiyo, Qoraa Maxamed Baashe iyo Abwaanka da’da yare ee Cabdiqani Mandela iyo anigoo ah Cabdikariim Axmed Mooge, waxa kale oo iyana joogay Saddexdii Guddoomiye ee Garabyada Axsaabta Qaranka, UCID, Waddani iyo Kulmiye”.
Cabdikariin Axmed Mooge isagoo ka hadlaya nuxurka kulankan ayaa yidhi “Waad ogeydiin maalmihii tagay xoogaa is tuur-tuura oo shacabkeena gaadhay, oo dadku mararka qaar moodayaan in la kala tagay ayaa dhacay oo suuqa iyo dadkaba gaadhay, shirkani wuxuu daarnaa in shacabka la gaadhsiiyo fariinta ah in dadku mideeysan yahay, Axsaabta wax ka weynina ay jiraan, oo ah ilaalinta nabadgalyada Jamhuuriyada Somaliland iyo wada jirka iyo gacan is qabsiga umadda Somaliland, taas baa ka weyn.
Sidoo kale wuxuu kulankani daarnaa Doorashooyinka soo socda oo xaasiyadooda iska leh in lagu galo Doorasho ka hufan caadifad, colaad, qabyaalad”.
Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme oo isagu halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Xisbiyada Qaranka Somaliland waxay ku kala duwan yihiin saddexda barnaamij ee ay dadka ka kala iibinayaan, saddexdaas buug ayaa saddex magac leh, laakiin ujeedada guud waanu ka mideeysan nahay oo waa Somaliland inay samaato, oo Somaliland inay jirto, Somaliland inay mid ahaato, Somaliland inay dhalinyaradu ku manaafacadsato”.
Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Kulmiye Cabdinajax Siyaad oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan jecel lahay in bilo kadib ama sannado kadib iyadoo fikirkeenaasi guulaystay oo iskana kaashan karno, waxaan balanqaaday walaal horumarka,
qaranimada,midnimada, isku duubnida Jamhuuriyada Somaliland in aanu ilaalino, gaar ahaan ta da’yarta oo iska xaasaasiya dhalinyarada xageeda, waanu ku dadaalayna in aanan u horseedin siyaasad xun oo liidata oo ama reer iyo qabyaalad ah”.
Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga UCID Cabdiwahaab Xasan Ismaaciil oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Wixii aabayaasheen ama raggii inaga waaweynee garan waayeen in maanta ay yidhaahdeen dantiinu kuma jirto in la idin kala qoqobe, dantiinu midnimo ayey ku jirtaa, kulan wanaagsan, oo barakaysan ayaa halkan ka dhacay, laakiin haddii aynu maanta ka shaqeeyno oo gundaheenii ku soo hoos noqono oo qabiil iyo waxaan faa’iido lahayn aynu hoos dib ugu noqono,waxay noqonaysa in Wadankeenu uu noqdo Wadan bahalo galeena”.
Abwaan Xasan Daahir Weedhsame oo isna halkaas ka hadlay ayaa dhalinyarada ku dhiirigeliyeen inay isku duubnadaan, oo ay ka dheeraadan wax walba oo dhib ku keenaya sida Qabyaalada,