Somaliland: oo Saraar ka Bilowday Wacyigelinta Kaalinta Bulshada ee Sahaminta Shiidaalka

Date:

Wasiirka Tamarta & Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa shaaciyey in loo baahan yahay aqoon bulshadu u yeelato waajibaadka golaha deegaanka, xukuumadda dhexe marka laga hadlayo sahaminta shidaalka iyo shirkadaha ku hawlan.

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, oo kaga qeybgalay magaalada Caynaba, kulan wacyigelin ah oo la xidhiidhay kaalinta bulshadda ee sahaminta shiidaalka, “Ujeeddada kulankani waa in lagu gudbiyo wacyigelinta bulshada ee hawlaha dhinaca shidaalka ee ka socda gobolka Saraar, kaalinta golaha deegaanka, xukuumadda dhexe, shirkadaha shidaalka iyo bulshada deegaanku ku leeyahiin horumarinta hawlaha sahaminta, iyo sidii dadku u heli lahayeen macluumaadka xaqiiqada ah,”ayuu yidhi Wasiirka Tamartu.Wasiirku waxa uu intaas ku daray, “Xukuumadda Somalilan, oo u marayasa Wasaarada Tamarta iyo Macdanta waxay abuuri doontaa ilo waxsoo-saar waara, oo dhaqaale dadka wada gaadha iyo shaqo abuur ka soo baxo, isla markaana wadanku ugu guuro heerka dakhliga dhexe, si aqlabiyada shacabka Somaliland u gaadhaan faa’iidooyin dhaqaale, caafimaad iyo adeegyo bulsheed la taaban karo xilligan iyo mustaqbalka.”

Wasiirka Tamarta oo faahfaahin ka bixinayey qorshaha xukuumada iyo wasaarada Tamarta uga yaalla soo saarista kheyraadka dalka sida shidaalka, macdanaha, waxaannu yidhi, “Ka hor intaan la soo saarin kheyraadka dhulka Somaliland, waa inaan ku deynaa guulaha wadamadu ka gaadheen maamulka kheyraadkooda, loogana fogaado khaladaadka kuwa ku guul-daraystay, waxaan doonaynaa inaan u marno dariiqa wanaagsan si aan u gaadhno saameyntiisa togan ee dadka iyo dalkaba.”

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa baaq guud ugu jeediyey shacabka Somaliland guddo iyo dibedba inay taageeraan dedaalada Wasaaradda Tamartu ugu jirto ka midho-dhalinta soo saarista kheyraadka dalka, “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Somaliland inay taageeraan dedaalada Wasaarada Tamartu ugu jirto horumarinta kheyraadka dalka, Ilaahay ha innoo sahlee. Waxaan ugu baaqayaa bulshada inay dulqaad muujiyaan, si aynu u noqono wadan ka faa’iidaysta kheyraadkiisa,”ayuu ku dooday Wasiir Xuseen.

Hawlaha sahaminta shidaalka ayaa lagu inay ka bilaabmaan gobolka Saraar, ugana sii gudbaan gobollada Togdheer, Daadmadheedh iyo Hawd, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale. Madaxda dhaqanka gobolka Saraar, oo hoggaaminayey Jaamac Ibraahim Maxamed iyo Guddoomiye-xigeenka Gobolka Saraar ayaa si weyn u soo dhoweeyey hawlaha sahaminta shidaalka ee ka bilaabi doona deegaannada gobolkaas.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...