Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Socdaalkii Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Uu Kusoo Maray Magaalooyin Ku Teedsan Xudduudka

Date:

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac ayaa ka waramay ujeedada socdaal uu dhawaan ku marey Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, deegaano ku teedsan xudduudka Somaliland iyo Itoobiya islamarkaana uu qaarkood ka badalay magacyadii hore ee loo yaqaanay.

Cabdirashiid Riyo-raac oo shalay warbaahinta qaar ka mid ah ugu waramay Socdaalkaasi ayaa waxa uu yidhi  “Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaanu ku kulanay oo aanu  isku aragnay Magaalada Coodanle, Magaalooyinka qaar baa inaga dhexeeya qaarkoodna waynu kala leenahay, sida Balli-dhiig, Coodanle iyo Buuhoodle oo qaybi Itoobiya tahay, qaybina Somaliland tahay markaa runtii anigu safarkaa ummaan arkayn mid Siyaasadaysan, Waxaanse aan u arkayey Safar Abaarta iyo kormeera oo uu ugu qaybinayey Raashin dadkii uu la hadlayey oo uu dhibaatadaasi ugu soo Gurmaday, Waanan uga Mahad naqaynaa oo dadka iyo deegaanku wuu inaga dhexeeyaa”.

Wasiir Riyo-raac waxa kaloo uu ka hadlay magacyada cusub ee magaalooyinka uu soo maray uu u bixiyey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar  “Runtii waxay ila tahay Magacyadu wax dhibaato ah malaha oo meesha dadka ka dhexaysa inay labada dawladood isku yimaadaan oo ay isla qaataan magaca loo bixinayo, haddii uu isagu ku horreeyey oo magacii uu u bixiyey waxay aheyd in aanu la oggolaano (approve), ama aanu diidno ayaa meesha imanaysa amase laba magac ku kala haysano ileyn magaalada waynu kala leenahaye oo way kala badhan tahaye, waxaanse isleeyahay wax dhib ah oo weyn oo ku jirtaa ma jirto arrinkaa”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...