Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Uu Ka Soo Yeedhay Hadal Guux Ka Dhex Maray Shacabka
Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in ku biiristiisii Xisbigaasi horseedayso in Khariiradda Siyaasadeed ee Somaliland isbeddesho.
Ismaaciil oo hadal ka jeedinayey Munaasibad uu Xisbiga WADDANI shalay ku soo dhaweeyay Taageerayaal ku biiray, ayuu ka sheegay inay Caddaatay in ku biiristoodu isbeddel ku samaynayso Siyaasadda Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxa Caddaatay arrin aanu hore u sheegnay oo ahayd in ku biirista aanu ku soo biirnay Xisbiga WADDANI noqonayso mid beddela khariiradda Siyaasadeed ee Somaliland.”
Ismaaciil wuxuu sheegay in Geediga Xisbiga WADDANI ku jiro uu soconayo, “Shaqaduna waa bilow oo geeddigu wuu socon doonaa.”ayuu yidhi.
Hadalka Ismaaciil oo ku beegmay Toddobaad uun ka dib kulamo Warbaahinta Kenya sheegtay in Wefti uu Xisbiga WADDANI uu Magaalada Nairobi kula yeeshay Masuuliyiin uu ka mid yahay Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa Dadweynaha Reer Somaliland qaarkood shaki geliyeen wuxuu uga jeedo isbeddelka Khariirradda Siyaasadeed ee uu sheegay, maaddaama oo hadalkiisu ku soo beegmay xilli Warbaahinta Kenya baahisay in Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ay ka wada-hadleen arrimo khuseeya Midnimo mar kale dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya wixii ka dambeeya Doorashada Somaliland ka dhaceysa horraanta sannadka dambe ee 2017-ka.