Kooxda Arsenal ayaa u muuqatay in ay tahay markab ku sii degaya badawn isla markaana ay aduunyadu ka sii qarsoomayso kadib markii ay 9 maalmood oo kaliya kaga soo dhaceen min hogaanka Premier Leaque-ga ilaa kaalinta afraad. Arsenal ayaa sagaal maalmood ka hor ahayd kooxda hogaaminaysay horyaalka Premier Leaque-ga kadib markii ay guul 3:1 ah ka gaaday kooxda Stoke City laakiin waxay maanta ku jirtaa booska kaalinta afraad iyada oo waliba 9 dhibcood ka hoosaysa kooxda Premier Leaque-ga hogaaminaysa ee Chelsea.
Arsenal ayaa December 10, 2016 guul muhiim loo arkayay Emirates Stadium kaga gaadhay kooxda Stoke City si ay u qabto hogaanka Premier Leaque-ga laakiin guuldarooyinkii isku midka ahaa ee Everton iyo Manchester City oo ay labadaba Gunners hogaanka ay ku qabtay goolal ay kala dhaliyen Sanchez iyo Theo Walcott ayaa min laba gool loogu badalay si ay 9 maalmood gudahood uga soo dhacdo kaalinta kowaad oo ay kaalinta afraad ku dhamaysato ilaa maalinta Boxing day-ga oo ay kulamada xiga la ciyaari doono.
Arsene Wenger iyo kooxdiisa Gunners ayaa lagu eedeeyay in ay u liitaan dhinaca maskax guulaysi ahaan waxaana guuldaryooyinka Gunners qayb laga saarayaa ismari waaga ka jira heshiis kordhinta Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil oo ahaa xidigihi ugu muhiimsanaa ee Gunners waday oo ku fashilmay kulamadii Everton iyo Manchester City.
Inkasta oo uu Sanchez gool ka dhaliyay kulankii Everton haddana qaybtii danbe ee kulankii Goodinson Park ayaa la waayay meel uu maray xidiga ree Chile wuxuuna sidoo kale ku dhex qarsoomay kulankii Etihad Stadium, waxaana ka sii darnaa Ozil oo labadan kulan ku muuqbeelay waxaana walwal laga qabaa in wada xaajoodyada laysku mari waayay ee heshiis kordhinta Ozil iyo Sanchez ay door wayn ku leeyihiin degitaanka Gunners ee kulamadii ugu danbeeyay.
Dadka eedaynta u soo jeeda Arsene Wenger ayaa aaminsan in Arsenal ay wali tahay kooxdii sanadaha badan ku soo fashilantay in ay koobka Premier Leaque-ga ay ku guulaysato iyada oo waqtigan oo kale iska lumisa fursada ay kula tartami karto kooxaha waa wayn. Chelsea oo markii horeba hogaanka saddex dhibcood kaga haysay Arsenal ayaa fursad wayn ka heshay guuldarooyinkii Gunners ka soo gaadhay Everton iyo Man City.
MIISKII KALA SARAYNTA PREMIER LEAQUE-GA EE KULAMADII 15 AAD:
MIISKA KALA SARAYNTA PREMIER LEAQUE-GA EE KULAMADII 17 AAD IYO SAGAAL MAALMOOD WIXII ARSENAL ISKA BADALAY:
Arsenal ayaa kulanka maalinta Boxing Day-ga ee December 26 la ciyaari doonta kooxda West Brom waxaana ugu xigi doona Crystal Palace iyo Bournemouth waana kulamo ay Gunners fursad u heli karo in ay kaga soo kabsato waji gabaxa ka soo gaadhay Everton iyo Man City basle natiijo kasta oo aan guul ahayn ayaa sii waxyeelayn karta rajada sii gudhaysa ee Gunners.