Akhriso Isku Aadka Ciyaaraha Champion League oo la Shaaciyay

Waxaa goor dhow la soo saaray isku aadka wareega 16ka ee Koobka Champions League, iyadoo ay isku dhaceen  kooxo adag oo qaarkood hore loo saadaalinayay inay is wajihi doonaan.

Kooxda Arsenal oo lixdii sano ee u dambeysay  wareegan 16-ka labo jeer isku dhaceen Bayern Munich ayaa hdadana mar kale isku beegmay.

Sidoo kale waxaa mar kale isku beegmay kooxaha Barcelona iyo Paris oo iyana sanadihii u dambeeyay dhowr jeer isku dhacey.

Kooxda difaacaneysa koobkan ee Real Madrid ayaa ku aaday Kooxda ka dhisan dalka Talyaaniga ee Napoli.

Haddaba sidan ayay isugu Wajaheen Kooxuhu.

Comments

comments