Somaliland: Shirweynaha Garabka Dhallinyaradda Xisbiga KULMIYE Oo La Shaaciyay Qabashadiisa Iyo Qorsheyaashiisa

Date:

Hoggaanka Garabka Dhalinyaradda heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa ku dhawaaqay xilliga ay uu qabsoomayo shirweynaha garabka dhalinyaradda heer qaran ee xisbiga,

Shir jaraa’id oo xubnaha madaxda ka ah Garabka Dhllinyarada KULMIYE ee heer Qaran ku qabteen xarunta guud ee xisbiga maanta, waxay faahfaahin kaga bixiyeen shirweynahan dhallinyarada iyo waxyaabaha ay ku saabsan yihiin ajandihiisu.

Guddoomiyaha Garabka Dhalinyaradda heer Qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, ayaa shaaciyey in shirweynahan dhallinyarada la qaban doono 18-ka bishan December ee 2016, waxaannu yidhi, “Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE heer qaran kadib markii uu wadatashi ballaadhan la yeeshay hoggaanka xisbiga waxa lagama maarmaan noqotay qabashada shirweyne qaran oo ay garabka dhallinyarada xisbiga KULMIYE isugu yimaadaan, shirkaasi wuxuu qabsoomayaa haddii Ilaahay ina gaadhsiiyo 18/12/2016, oo ku beegan maalinta Axadda ee inagu soo wajahan, wuxuuna ka qabsoomayaa huteelka Maansoor ee Hargeysa.”

Waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey ujeeddada shirweynahan Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE, waxaannu baaq u diray dhallinyarada gobollada ee ka qaybgalaya shirka, “Shirka waxa ka qaybgalaya ergooyin ka kala imanaya dhammaan  afar iyo tobanka gobol ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo degmooyinkooda iyo waliba qurba-joogga Somaliland, ergooyinkaasi oo metelaya dhammaan dhallinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogaan dibad iyo guduba. Shirka waxa lagu falanqayn doonaa oo lagaga tashanayaa siyaasadda iyo qorshayaasha horumarinta dhallinyarada, taasi oo natiijada ka soo baxdana lagu daridoono barnaamujka xisbiga KULMIYE ee doorashadda, waxa kaloo lagu dejinayaa istaraatijiyadda ololaha ee ku wajahan dhallinyarada, sidoo kale waxa lagu dardargalinayaa isku xidhnaanta wadaqashaynta iyo isbarashada Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE ilaa heer degmo, heer gobol iyo heer qaran,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada KULMIYE.

Sidoo kale, Xoghayaha Garabka Dhallinyarada KULMIYE ee heer qaran Axmed Abiib Xayir iyo Xoghayaha Degmooyinka iyo Garabka Dhallinyarada ee Qaran Mustafe Faarax Cali (Mustafe Qalab), ayaa iyaguna ergooyinka shirkaasi ka soo qaybgalaya ugu baaqay inay maalinta Sabtida ku soo xeroodeen magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Dhinaca kale, masuuliyiinta Garabka Dhallnyarada KULMIYE waxay jawaab ka bixiyeen dacwad xubno ka mid ah xisbiyada mucaaradku ka gudbiyeen madaxda Garabka xisbiga oo ay ku tilmaameen inay xilal ka hayaan ururrada bulshada rayidka ah iyo hay’ado ka mid ah dawladda, hase ahaatee waxay sheegeen in aanay waxba ka jirin doodaasi oo aanay jirin cid ka mid ah hawl-wadeennada garabka KULMIYE oo hadda xi lama shaqo ka hayso hay’ado dawladeed iyo kuwa bulsho toona, iskana casileen dhammaan shaqooyinkii hore ee ay hayaan kadib markii la magacaabay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...