Waxaa Uu Kusoo Beegmay Xilli Labada Musharrax Ee KULMIYE Ay Dhawaan U Baqoollayaan Boorama Oo La Weriyey In Axmed M. Seed Soo Dhawayntiisa Lagu Qabanayo
Kulan la weriyey in xogtiisa la daahay ayaa magaallada Hargeysa ku dhex maray Guddoomiyaha ahna musharraxa madaxweynaha ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE iyo Hoggaamiyaha garabka toosinta iyo caddaaladda ee xisbiga WADDANI Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Axmed Mumin Seed, kaasi oo ka qabsoomay Hoteelka loo yaqaanno Safaari ee isgoyska xaafadda Jigjiga yare e caasimadda Hargeysa. Kulankan oo ahaa hadhimo ayaa sida xalay lagu baahiyey barta internetka ee Waaheen.com oo wargeyska HUBAAL Warkan kasoo xigtay waxaa uu ahaa mid gebi ahaanba la ilaaliyey xogtiisa iyada oo ay warbaahintu dibada ka joogtay, hase yeeshee ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo kulankaasi xog ogaal u ahaa ayaa tibaaxay in labada dhinac ay kaga wada hadleen amuuro siyaasadeed oo xaasaasi ah, kuwaas oo ay kamid yihiin danaha labada dhinac ee waqti xaadirkan. Kulankan oo qado ahaa isla markaana ka dhacay Hotel Safari ee magaalada Hargeysa ayaa gabi ahaanba ahaa mid warbaahinta laga qariyey, waxaana kulankaas lagaga wadahadlay arrimo xasaasi ah sida ay wararku sheegayaan, iyadoo uu kulankani qayb ka ahaa dedaalka uu xisbiga KULMIYE ugu jiro inuu Axmemd Muumin Seed ku soo biiriyo cududiisa taageero. Ma Jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac, hase yeeshee kulankan labada masuul ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo inay Axmed Muumin Seed, Cabdiraxmaan Saylici iyo Muuse Biixi ay tagaan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, iyadoo la filayo in Axmed Muumin Seed xafladiisa ku biiritaanka KULMIYE lagu qaban doono Boorama. Sidoo kale Madaxwayne kuxigeenkii Somaliland ayaa isna dorraad dalka soo gaadhay sidii aanu hore idiinku soo gudbinayna munaasibada Boorama ka dhici doonta waxaa diyaarinteeda ku shaqo leh wasiirro xukuumadda ka tirsan oo gobolka ka soo jeeda.