Somalia: Wajiga labaad ee shirka Wadashiga federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah oo soo Xidhmay

Date:

Magaalada Garoowe waxaa ku soo xirmay shir labadii maalin u dambeeyey Garoowe uga socday dowladda Federaalka

Shirkan ayaa bilowday 30-kii bishii April wuxuuna ku ekaa shalay oo 1 May ahayd, qodobo kala duwan oo shirka ajandayaashiisa ka mid ayaa ugu weynaa sidii looga hadlilahaa arrimaha Dastuurka, Maamul samaynta gobolada dhexe iyo kuwa harasan, Dhisamaha ciidan Qaran, Qayb siga deeqa dibada, la soo bixida khayraadka dalka iyo arrimaha barnaamijka Hiigsiga Cusub ee 2016 si dal doorasho uga dhacdo.

Dood iyo falaqayn u dhaxaysay guddiyadii matalyey dowladda Federaalka , Maamulada Puntland, Jubba iyo Konfur Galbeed ayaa ugu dambayn saaka war Murtiyeed laga soo saaray kaa oo looga hadlay natiijadii wajiga labaad ee shirkan waxaa inta badan qodoba shirka looga hadlay ku cadaan in meel la isla dhigay.

Qodbada ugu muhiimsan ee War-murtiyeedka ayaa ka mid ah fulinta iyo hirgelinta heshiisyadii horay loowada galay waxaana lagu heshiiyey in guddi loo saaro si uu dabagal iyo fulin ugu sameeyo qodbadii shirkan iyo kii hore.

Arinta Dastuurka oo Puntland meel adag ka taagnayd ayaa la isku raacay in guddiga dib u eegista Dastuurka la dhamaystiro xubnaha ka dhiman ee maamulada laga soo xulayo si uu shaqiisa uguto dibna u eego qodobada lagu muran san yahay.

Barnaamijka Hiigsiga 2016 ayaa la sheegay in dowladdaha xubnaha ka ah federaalka iyo dowladda ay kawada shaqeeyaan sidii dalka u gaari lahaa doorasho xor ah sidoo kalan dhismaha maamulada ayaa la isku raacay in inta dhiman loo sameeyo maamulo KMG ah si ay uga mid noqdaan dowladda feeraalka.

Dhismaha maamulka Gobolada dhexe ayaa la sheegay in uu u soconayo sidii loogu tala galay oo ah Galgaduud iyo qayb ka mid ah Mudug waxaana lagu cadeeyey war Murtiyeedka in aysan ka qayb galin karin shirarka maamulada loogu samaynayo goboladda dhexe Ergo ka soo jeedo dhanka Puntland oo ku socota magaca Mudug.

la dagaalanka argagixisada, sugida Amniga, dhismaha ciidan qaran Qaybsiga deeqa iyo la soo bixida khayraadka ayaa warmurtiyeedka ayana lagu sheegay in go’aamo mideysan laga gaaray.

Af-hayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa War-murtiyeedka saxaafada u Akhriyey.

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/War-Murtiyeedka-2-May-.mp3″]

1--538x740 2--538x740

Intaa ka dib waxaa Goobta ka hadlay madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh iyo Madaxweynayaasha maamulada xubanaha ka ah dowladda federalka Soomaaliya Puntland, Jubba iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jubbba

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/Madaxwenaha-Jubba-Axmed-Madoobe.mp3″]

Madaxweynaasha Koonfur Galbeed iyo Jubba waxay soo dhaweeyey qodoba laga soo saaray shirkan waxayna sheegeen in doorkooda ay ka soo bixidoona la shaqayn doonaan guddiga loo xilsaaray sidoo kale waxay sheegeen in shirar caynkan oo kala ay dhici karto in marti galiyaan waxayana xuseen in soo dhaweyn iyo martigelin fiican u samayn doonaan.

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/Madaxwenaha-Koonfur-Galbeed-Shariif-Xasan.mp3″]

Madaxweynaha dowaladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay shirarkan oo kale in ay iskugu yimaadaan madaxda dalka Soomaaliyana dadkeeda looga baahana yahay Isku tashi wuxuu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay sidii dowladnimo iyo midnimo u gaari lahaayeen, wuxuu sheegay in mar murtiyeedkan ku faraxsan yahay sidoo kalan jecelyahay in kulamadan la badiyo oo maamulkasta qabto doorkiisa.

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/Madaxwenaha-Puntland-Dr-Cabdiwali-Gaas.mp3″]

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo kala duwan war muriyeedka khuseeya iyo arrimaha Soomaaliya wuxuu sheegay inkooban in ay kawada hadleen mar horana sidoo kale sidaas ayaan ku wadaynaa ayuu yiri si loo gaaro dowladnimada Soomaaliya oo uu xusay in talaabooyinka hormarkii u yahay.

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/Madaxwenaha-Dowladda-Fedraalka-Soomaaliya-Xasan-Sheekh.mp3″]

Madaxweynahu  wuxuu sheegay in dagaal ay kula jiraan arrimo kala duwan sida Al-shabaab oo uu sheegay in gabaabisi yihiin dhawaana dalk laga saaray Puntland ayuu sheegay in ay caawinayaan sidii looga saari laga Al-shabaab buuraha Galgala.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...