Wasiirka cusub ee Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Xaaji Yuusuf, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo naqdiyay isku shaandhayntii uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay xukuumadiisa.
Wasiirka oo maanta magaaladda Hargaysa kula hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in siyaasiga Ismaaciil Buubaa dhawr iyo labaatan sanno uu ku hawlanaa burburinta qaranimada Somaliland, isla markaana uu imika shaadh kale u soo huwaday shacabka Somaliland.
“Ismaaciil Buubaa, waxa uu dhaliil ka dhigayay wasaaradda cusub ee madaxweynaha ii magacaabay, iyadoo ay doorashadii dhowdahay in uu ku dhawaaqay. waxaanan leeyahay Ismaaciil Buubaa dhawr iyo labaatan sanno ayaad wadankan dilaal ka ahayd oo aad magacoooda iyo sharaftooda aad iibsanaysay iyo sidii loo burburin lahaa Somaliland aad ka shaqaynaysay, imikana adiga oo shaadh kale huwan ayaad halkan la joogtaa,”ayuu yidhi Wasiir Khadar Xaaji Yuusuf.
Wasiirku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray “Wasaaraddu haddii ay cusub tahay bil keliyana xukuumadda ha u hadhee miyaanad ogayn in xukuumadda ka dambaysaa ay halkaa ka sii wadayso shaqada wasaaradda”
Geesta kale Wasiirku waxa uu usheegay in siyaasiyiin ka tirsan xisbiga WADDANI oo ay isku jufo yihiin ay hun gureeyeen xilka loo magacaabay. Waxaanu xubnahaasi u soo jeediyay in ay daacad u noqdaan xisbiga ay ka tirsan yihiin ee WADDANI.waxaannu yidhi “Markii la soo geliyay suuqa in aan iska casilay xilkii la ii magacaabay iyadoo aanay waxba ka jirin arrintaas, waxaanay ahayd saluug, waxaanan ogaaday oo aan ka faa’iiday, wax badan oo ku saabsan xisbiga WADDANI iyo dadka aanu isku reerka nahay ee ku jira xisbigaasi, oo markiiba xagga xukuumadda u soo yaacay, markii ay maqleen wuu is-casilay. Waxaanan kula talin lahaa siyaasiyiintaasi in ay daacad u noqdaan kolba xisbiga ay joogaan ama KULMIYE ha noqdo ama WADDANI.”