Somaliland: “Waanu wadnaa farsamadii lagu gaadhayay in doorashada Madaxweynuhu ku qabsoonto 2017-ka”

Date:

“Waxay noo sheegeen (Komishanka) in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomayso oo jadwalkoodu sidoodii yahay”
Muuse Biixi

Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay kulan ay ugu yeedheen Hoggaanka saddexda xisbi qaran, waxay warbixin ka siiyeen halka ay u marayaan hawlaha u diyaar garowga doorashadda Madaxtooyada Somaliland iyo goorta ay dalka ka bilaabayaan qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha oo ay marba saddex gobol ka qaybin doonaan.

Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka qaranka, Cabdiqaadir Imaan Warsame, waxa kaloo uu ka hadlay saamaynta abaarta iyo in loo baahan yahay in tallo qaran laga yeesho sida looga gudbayo haddii ay xaaladaasi sii taagnaato.

Waxanu intaa raaciyay in dhankooda aanay waxba ka qabyo ahayn oo ay geestooda hawluhu si wanaagsan ugu socdaan.
“Farsamo ahaan annagu qorshahayagii waa halkiisii, waanan wadnaa farsamadii lagu gaadhayay 2017-ka doorashada Madaxweynuhu inay qabsoonto ALLE-na waxaan ka baryaynaa in uu mid xor iyo xalaal ah innooga dhigo. annagu farsamo ahaan waan qabanaynaa laakiin xaaladda abaartuna waa mid u baahan in looga wada tashado heer qaran ayaanu doonaynaa heerka la mari doono,laakiin farsamadii loo igmaday komishanka doorashooyinka qaranku ilayn qolo walba shaqo ayay leedahaye shaqadayadii lama odhan karo waanu gabnay waanan u taaganahay, ”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinku.

Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan waxa kaloo uu sheegay in aanay jirin hawl dhankooda ku baaqatay iyo karti yaraan ka jirta dhinaca Komishanka doorashooyinka, waxaanu ku dooday in ay yihiin guddi muddadii ay joogeen wax badan qabtay oo dalka ka hirgaliyay diiwaan gelin casri ah oo caalamka Somaliland ugu horraysay, waxaannu yidhi, “Ishaa Macalin ah annagu labadaa sannadood ee aanu hadda joognay wax badan ayaanu qabanay, haddii aan la is indho tirayn, shaqadan aanu qabanay iyo diiwaangalintan aanu samaynay ee lixda bilood innoo socotay waa waddankii ugu horreeyey ee qabta diiwaangalin isha bu’deeda la sawirayo waa waddankii ugu horreeyey ee qabta, markaa taas ma la odhan karaa waxa qabtay guddi jilicsan ama xubno ka mid ahi ay jilicsan yihiin waa maya jawaabtu.”

Madaxda Saddexda Xisbi qaran oo kulanka komishanka doorashooyinka ay wadayeesheen ka hadlay ayaan sheegin wax ay isku diideen guddida doorashooyinka isla markaana si wada jir ah u soo wada dhaweeyay kulankaa shalay sheegayna in ay si wada jir ah uga wada shaqaynayaan hirgalinta doorashada Madaxtooyadu in ay xlligeeda ku qabsoonto

Guddoomiyaha, ahna Musharaxa Madaxweynaha Xisbi-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo ugu horrayn ka hadlay kulankaas, waxaannu yidhi, “Guddida doorashadu warbixintii ay na siiyeen waxay sheegeen inay hawlahoodu ku socdaan jadwalkii oo ay hada bilaabayaan daabacadii kaadhadhka, marka ay dhammeeyaana ay u qaybinayaan gobollada oo ay marba laba gobol is raacinayaan, waxay noo sheegeen in doorashadu aanay wakhtigeedii dhaqdhaqaaq lahayn oo ay halkeedii tahay, waxay noo sheegeen in doorashadu qorshaysan tahay wakhtigeedii hawshuna meel fiican marayso oo aanu wax warwar ahi jirin annaguna waanu garab taaganahay ilaahayna wax dhibaato ah innaguma keeno.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay kulanka ay la yeesheen guddida doorashooyinka Somaliland ayaa yidhi “Maanta(shalay) kulankan aanu yeelanay waxa uu ahaa kii caadiga ahaa, hadyo goorna wada tashi ayaa naga dhaxeeya guddida doorashada warbixintii u dambaysay ayey na siinayeen aad ayaanay u wanaagsan yihiin arrimuhu wax nka qabyo ahina ma jiraan, jadwalkoodii ayaanay ku socdaan, annaguna waanu barbar taaganahay wixii dhibaato ah ee ka hor yimaadana waanu iskaga imanaynaa intaas ayuu kulankayagu la xidhiidhay waxaanan ku balanay in kulan dhakhso ah layskaga yimaado kolba wixii soo kordha.”

“Sida ay sheegeen guddida doorashadu, xisbiyada waa loo yeedhaa mar kasta oo shaqo xidhmayso ama shaqo bilaabmayso, waxaannu la wadaagaa shaqada markaa soconayso, sidaas darteed guddida doorashadu waxay sheegeen in jadwalku sidiisii yahay hawshuna ay sideedii ku soconayso kaadhadhka daabacaadooduna ay hada bilaabmayso markaa wuxuun bay ahayd inay xogtaan na soo gaadhsiiyaan xisbiyaduna way la qaateen,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga WADDANI Mr.Cismaan Afgaab.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...