Somaliland: Muuse Biixi oo qaabilay La-taliyaha Hay’adaha UN-ta u Qaabilsan Somaliland Somalia

Somaliland: “Colonial-Era Borders Will Remain in Disputed Areas North of Hargeisa” Chaiman Muse Bihi
Somaliland: Kulmiye's Chairman Muse Bihi Speech at Tima'ada University Graduation Ceremony

Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbul-xaakimka KULIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay inay kordhiyaan mucaawimada ay siiyaan Somaliland, iyagoo raacaya qorshaha horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland ee shan sannadoodlaha ah.

Waxa kaloo uu ugu baaqay inay fursadaha shaqada ee ka banaanaada xafiisyadooda Somaliland ay ka shaqo geliyaan dhallinyarada aqoonta leh oo aanay shaqaale ka keenin dalka dibadiisa.
Guddoomiye Muuse Biixi, waxa uu sidaasi ka sheegay shalay mar uu xafiiskiisa ku qaabiley La-taliyaha Isu-duwidda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Xafiiska Isu-duwaha UN-ta u qaabilsan Somaliland Mr. Gavin Roy, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka KULMIYE, Mr. Xasan Gaafaadhi, waxaannu u qornaa sidan:-
“Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Isu-duwidda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Xafiiska Isu-duwaha UN-ta u qaabilsan Somaliland Mr. Gavin Roy shalay.
Kulankan oo Guddoomiyaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi ay ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxay Mr. Gavin Roy ka wada hadleen xaaladda guud ee Somaliland iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu xog-warran ka siiyey masuulkan xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan abaarta iyo halkay marayso oo uu sheegay inay gaadhay meel adag oo xooluhu ay aad u dhimanayaan, halka dadkuna u baahan yahay gurmad cunto iyo biyo lagu badbaadiyo nafahooda, sidaas darteedna Qaramada Midoobay looga fadhiyo inay gacan ka gaysato gurmadkaasi socda.
Madaxda xisbigu waxay tilmaameen in dad badan oo abaartu barokicisay oo xoolihii ka baxeen diyaar u yihiin sidii loogu celin lahaa deegaannadii ay markii hore ka guureen, taasina ay u baahan tahay inay helaan gaadiid ay ku guuraan oo loogu qaybiyo deegaannadii ay hore ugu noolaayeen, kadibna halkaas lagu taro wixii lagu caawinayo, isla markaana aanay habboonayn in la sameeyo xeryo waawayn oo la isugu geeyo dadka si looga hortago xannuuno dhasha iyo xaaluf hor leh oo ku yimaada deegaanka.
Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu u soo jeediyey Qaramada Midoobay in qaadhaanka ay siinayso Somaliland kor loo qaado, laguna saleeyo Qorshaha Horumarinta qaranka ee shanta sanno ee Somaliland.

Waxa kaloo uu ka dalbaday masuulkan in tixgelin la siiyo aqoonyahanka iyo dhallinyarada Somaliland ee shaqada ka qaban kara hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala dalka oo aan dad kale oo ajaanib ah dibadda lagaga keenin.
Dhankiisa, La-taliyaha Isu-duwidda hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland Mr. Gavin Roy waxa uu ku qancay qodobada iyo doodaha ay kala hadleen madaxda xisbiga KULMIYE. Waxaannu xusay inay diyaar u yihiin taageero ay ka gaystaan gurmadka abaarta, isla markaana ay sugayaan qiimaynta xaaladda abaarta oo warbixinteeda xukuumaddu soo saari doonto toddobaadkan dhammaadkiisa.
Waxa kaloo uu soo jeediyey in xidhiidh joogto ah laga wada yeesho wax allaale iyo wixii mucaawanooyin abaarta ku wajahan si looga hortago in dheeli ku yimaado habsami-u-qaybinta taakulada dadka jilicsan.
Guud ahaan kulankaasi waxa uu ku dhammaaday afgarad iyo joogtaynta xidhiidhka wadashaqayneed oo loo ballamay.”

Comments

comments