Wada hadaladii Somaliland iyo kooxda Khaatumo ayaa la filayaa inay dhawaan ka furmaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Ma jiro wax war ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay bilowga wada hadaladan. Laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in
xukuumadda Somaliland ay dalka Itoobiya maalmahan u dirayso wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaanay Addis Ababa kula kulmayaan wefti ka socda Khaatumo oo loo magacaabay wada hadalada JSL.
Geesta kale, waxa la filayaa inay xukuumadda JSL dalka Imaaraadka Carabta u dirto wefti kale, waxaana la filayaa in weftigani u tagi doono dalkaas heshiiskii dhex maray JSL iyo shirkadda DP world ee ku saabsanaa dekedda Berbera.