Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku guuldarraystay inuu ka hadlo jidh-dilka iyo dhaawaca magaalada Hargeysa loogu geystay aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir oo weliba dhibka loo geystay loo tirinayo xubno xisbigaas u shaqeeya.
Dhaawaca la gaadhsiiyey Aqoonyahan Jaamac-jiir oo gaadhsiisan heer jabniin, ayaa sida uu afkiisa ka sheegtay aqoonyahanku waxa uu ku eedeeyey xubno xisbiga WADDANI katirsan, kuwaas oo qaarkood ciidamada ammanku xabsiga dhigeen, balse hoggaanka xisbigaas waxa uu ka gaabiyey inuu falkaas waxashnimada ah cambaareeyo.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo wata xubno tiro badan oo xisbigiisa kamid ah, ayaa maalintii shalay ka cawday in loo diiday booqasho ay ugu tegi lahaayeen xubno loo tirinayo dhaawaca aqoonyahanka oo Hargeysa ku xidhan, balse waxa uu ku guuldarraystay inuu khasaaraha xubnahaas loo tirinayo inay muwaadinkaas gaadhsiiyeen cambaareeyo amaba uu hal kelmad ah ka yidhaahdo.
Xubno tiro badan oo xisbigaas katirsan, ayaa meelo badan kasoo cambaaraynaya xadhiga xubnaha u xidhan dhaawaca aqoonyahan Jiir, balse weli lama hayo hal masuul oo cambaareeya dhaawacaas amaba ka hadlaya.
Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir, ayaa laba maalmood ka hor waxa magaalada Hargeysa dhaawacyo kala duwan ku gaadhsiiyey xubno uu sheegay inay xisbiga WADDANI katirsan yihiin, waxana ciidamada ammaanku xabsiga ku gureen xubnahaas oo lagu wado in maanta oo sabti ah maxkamadda la horkeeno.