Somaliland: “Anigu 20-Sano Oo Cimrigayga Ah, Ayaan Isku Dayey Inaan Ku Adkaysto Soomaaliweyn,” Prof Ahmed Ismail Samatar

“Anigu 20-Sano Oo Cimrigayga Ah, Ayaan Isku Dayey Inaan Ku Adkaysto Soomaaliweyn, Waase Nalala Garan Waayey Oo Waxa Nalaga Dhigay Sidii Aanu Nahay Dad Ajaanib Ah Oo Meel Kale Ka Yimi.”

Prof. Samatar Oo Markale Taxay Qoddobo Dhawr ah Oo Ay Somaliland Kaga Rajo fiican tahay Soomaaliyada kale, Sababna u Yeelay Soo Dhaweynihii Dalka Loogu Sameeyey

Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo katirsan saraakiisha sare ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa markale sharraxay sida aan la isku dooran Karin Somaliland iyo Somaliyada Koonfurta, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu tijaabo iyo dhabbo-gal badan oo uu sameeyey ku ogaaday inay labadaas mandaqadood sida cirka iyo dhulka u kala fog yihiin.

Prof. Samatar oo dood  ku galay jaamacadda Macaleste ee carriga Maraykanka, ayaa ugu horrayn xusay in weligoodba labada dhinaca kala qaybsanaayeen, isla-markaana aan la isku qaldi Karin oo calanka buluugga ah ee maanta daafaha duniga ka babanaya ay wada keeneen,“Calanka maanta ay Soomaaliyi sidataa waxa uu ka yimi oo uu ka markhaati yahay Italia Somaliland iyo British Somaliland, calankuna Puntland, Jubbaland iyo Hiiraanland kama markhaati aha” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Isaga oo sharraxaad dheeri  ah ka bixinaya daraasad dheer oo uu ku sameeyey labada dhinaca iyo sida uu ugu qancay jiritaanka Somaliland, ayaa waxa uu yidhi prof. samatar,“Anigu 20-sano oo cimrigayga ah, ayaan isku dayey inaan ku adkaysto Soomaaliweyn, waase nalala garan waayey oo waxa nalaga dhigay sidii aanu nahay dad ajaanib ah oo meel kale ka yimi.”

Waxa uu xusay inuu Somalilnad ku arkay rajo ifaysa oo mustaqbal leh, isla-markaana u baahan in  dedaal dheeri ah la geliyo,“Ma aha oo kali ah inay Somaliland tahay meeshii aan ka imiye waxan arkay rajo aan u garaabaa inay taallo, markii horena waan u tuhunsanaa imikana waan soo arkay, rajoduna ma aha in jawaabihii oo dhan la hayo oo wax badan ayaa kadhiman, laakiin rajo aad iyo aad kuu tigelisa ayaan arkay”ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Isaga oo ka hadlaya soo dhaweyntii qiimaha lahayd ee ay shacabka reer Somaliland u sameeyeen markii uu waddanka kusoo noqday iyo waxa u sababta ahaa, ayaa waxa uu yidhi,“Anigu dadkii min Saylac ilaa Ceerigaabo isoo dhaweeyey wax allaale iyo wax aan u qabtay may jirin, laakiin qof ay magaciisa ay waxoogaa garanayaan, hadalkiisu dhadhan macaan u yeeshay oo laga yaabo inay rajo ka qabaan in waxa ay haystaan uulasii hagaajin karo, intaasna waanu ka weynay Muqdisho.”

Md. Samatar waxa uu hoosta ka xarriiqay inaanu haynin meel kale oo Somaliland dhaanta, waxana uu farriin u diray aqoonyahannada Soomaaliyeed ee gobollada Koonfurta kasoo jeeda,“Maanta waxa jira Somaliland wax dhaamma anigu ma arag, igamana aha inay halkii aan ka imi tahaye waxan eegay caddaymihii I horyaallay, dadka mutacallimiinta ah ee degmooyinka kala duwan ee wixii Soomalaliya la odhan jirey ka yimi, meel ha u tegin waan u abtirsadaye laakiin u tag rajada iyo xaqa yaalla ee adiguna aad ku dhaadan karto, waxna aad ku dari karto”ayu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Comments

comments