Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbigaas Md. Faysal Cali-waraabe, ayaa si weyn u dhaliilay maamul-xumada iyo nidaam la’aanta haysata magaalooyinka waaweyn ee dalka, waxana uu dhaliilo huwiyey cidda masuuliyaddu saaran tahay oo uu xusay inay lumiyeen qorshayaashii la doonayey inay magaalooyinku yeeshaan.
Faysal Cali-waraabe oo ka hadlay madal ay arday ka qalinjebisay kulliyadda horumarinta miyiga, ayaa caddeeyey in qorshayaashii ay magaalooyinku lahaan jireen ee ay dejiyeen dawladihii ingiriiska iyo kuwii ka dambeeyeyba meesha ka baxeen.
Guddoomiye Faysal waxa uu xusay inay adag tahay in la helo maayarrada magaalooyinka, isla-markaana ay ku mashquulsan yihiin cunista maandooriyaha qaadka,
“Innagu qorshe-magaaleed (town planning) ma lihin, tii Ingiriisku sameeyey iyo tii faqashtu samaysay way wada baaba’een, Hargeysa-na waxa ay noqotay tuulo ballaadhanaysa, waddooyinna ma laha oo nin baa intuu beer iska ooto odhanaya maayarkiiyow kaalay ii baloodhee, cid aad la hadashona helimaysid oo maayarradii way qayilayaan”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Waxa uu xusay inaan dadkii aqoonta u saaxiibka ahaa waxba la weydiinin, isaga oo hoosta ka xarriiqay dhibaatooyinka bulshadeena ku habsaday eek a xidhay horumarka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,
“Madaxweynuhu intaas oo la-taliye ayuu leeyahay haddana marna midna wax muu weydiin oo taxaa barnaamijka xisbigiisa ma oga, dadkeenana qof weliba isaga oo aan shaqaynaynin ayuu doonayaa inuu $50-dollar helo, muxuu ku helayaa waa inuu mikrofoon qaato oo uu siyaasadda ka hadlo oo uu xisbi hebel ka guuro oo uu xisbi hebel galo.”
Hadalka Faysal Cali-waraabe, ayaa imanaya xilli inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka dhulka ku yaalla uu muran badani ka taagan yahay, waxana taas barbar socda qorshe-xumo baahsan oo magaalooyinka haysata, kuwaas oo keenay in la waayo goobihii dugsiyada laga dhisi lahaa iyo weliba goobihii dhallintu ku ciyaari lahayd.