Somaliland: “Waxa Uu Madaxwaynuhu Amray In Riig-biyood La Dhaqaajiyo Oo Degdeg Loo Geeyo Deegaankaasi Maadaama Oo….”

Date:

Marwo Samsam Cabdi Aadan- Wasiirka Maaliyadda Oo Tafaasiil Ka Bixisay rig-biyood La Gaadhsiiyey Deegaannada Bariga Ee Abaartu Ku Habsatay

Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay Axadii magaaladda Hargeisa ka amba-bixisay baabuur Riig ah oo uu Madaxwaynuhu amray in degdeg loogu diro si uu biyo ugu soo saaro deegaanada bariga dalka ee ay abaaruhu ku habsadeen. Wasiir Samsam oo hadal kooban ka jeedisay madashii uu riigu ka dhaqaaqayey ayaa tafaasiil ka bixisay xajmiga abaaraha ka jira deegaanada barriga Somaliland oo ay tilmaamtay inay xaalad culusi ka jirto isla markaana dadkii kasoo kala qaxay goboladda Sanaag, Sool, Saraar iyo Saaxil ay iskugu soo urureen deegaanka Coodanle oo lagu ururiyey. Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay in sida qorshuhu yahay inuu riigaasi laba todobaad biyo kaga soo saari doono deegaanada Coodanle ee ay kusoo qaxeen dadkii abaaruhu ku habsadeen, halkaas oo sida lagu sheegay seerfaynkii ugu danbeeyey deegaankaasi lagu sameeyey biyaha lagu gaadhi gaadhi dooni 370 Mitir. Wasiirka Maaliyadu waxay tibaaxday inay bulshaddaasi u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo lala gaadho, kaas oo Ilaahay uga bariday inuu raxmadiisa u shubo. Ugu horayna marwos Samsam Cabdi Aadan iyadoo arrimahaasi ka hadlaysa waxay hadalkeeda ku bilawday “Ilaahay baynu (SWT) ka baryeynaa inuu abaaraha inaga soo jabiyo oo uu raxmaad khayr qaba ina siiyo, mida kale markii aanu Madaxwaynaha uga waranay xajmiga abaarta dhacday ee dalkeena ka taagan oo waliba meesha Coodanle la yidhaahdo ay dad aad u faro badan oo iskaga yimid oo kasoo qaxay Sanaag, Saraar , Sool iyo Saaxil-ba ay iskugu yimaadeen oo ay meel 8 KM oo isku wareeg ah ay iskugu yimaadeen dad aad u faro badan oo deegaanada kasoo wada qaxay oo aanay runtii meeshaasi qaadayninba, isla markaana iyaga iyo xoolahoodii iyo caruurtii dadkii waayeelka ahaaba la socdaan meeshaasi ay iskugu yimaadeen ayaa waxa yaraaday biyihii iyo booyadihii biyaha u gaynayey oo la kala waayey oo halkaasi waxa ka taagan biyo la’aan aad u balaadhan. Anigu shalay baan deegaankaa kasoo noqday oo aanu gaadhsiinay madaxwaynaha markii aanu uga waranay mushkiladaas ayaa waxa uu Madaxwaynuhu amray in Riig la dhaqaajiyo oo degdeg loo geeyo deegaankaasi maadaama oo sarfaynkii la hayo”. Wasiir Samsam iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay intaasi raacisay “Markii uu amarkaas madaxwaynuhu soo bixiyey ayaanu la xidhiidhnay shirkaddan biyaha kasoo saaraysa halkaas oo iyaguna noo sheegay in 370 Mitir lagu gaadhayo biyaha goob la eegay oo deegaankaasi ku taala, markaa waxaanu Insha Allaah rajaynaynaa in muddo laba todobaad ah biyaha lagu soo saaro inta ka horaysana aynu xukuumad ahaan biyaha booyadaha wadno oo dadka iyo xoolahaba lagu waraabiyo”. Marwo Samsam Cabdi Aadan mar ay ka hadlaysay waxa uga meelyaala xukuumad ahaan hadii ay abaartu sii daba-dheeraato, waxay hadalkeeda ku bilawday “Mida kale Ilaahay inaguma keenee hadii uu Jiilaalku dheeraado oo uu roobku da’i waayo riig deegaanadaa abaartu ka jirto u shaqeeya laga maarmi maayo, markaa maanta waxa dhaqaaqay riigaa aad arkaysaan ee madaxwaynuhu amray in degdeg loo gaadhsiiyo deegaanadaasi si uu biyo ugu soo saaro dadka halkaasi haraadku ku hayo, markaa Insha Allaah marka ay dadku helaan raashinka iyo biyaha waxaanu rajaynaynaa in raxmada Alle inoo da’do iyada ayuun baa haraadka iyo mushkilada lagaga bixi karaaye”. Sidoo kale waxa isaguna halkaas ka hadlay Khadar Cabdi Xuseen oo ku hadlayey magaca shirkadda riiga iska leh ee ceelka qodaysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Ilaahay ayeynu baryeynaa oo inaga dulqaadi kara abaaraha. Anigoo ku hadlaya magaca shirkadda Durdur Drilling Company waxaanu diyaar u nahay inaanu ka qaybqaadano gurmadka iyo dedaalka loogu jiro badbaadinta dadkeena, shirkad ahaana way naga go’an tahay inaanu hawshaa degdeg u galno. Riigan aad arkaysaana imika waxa uu kasoo baxay tuulada la yidhaahdo Ceel-samir ee hore loo odhan jiray Ceel-xume oo aanu biyo fiican ka gaadhnay,waxaanu sidoo kale kasoo baxnay Qabri-huluul oo aanu dadkaa ay maanta abaaruhu aafeeyeen ku caymadeen oo ay biyaha ka cabayaan, Ilaahay-na waxaanu ka baryeynaa in ceelkan imika ee Coodanle iyo jiidiisa in isagana Ilaahay inoo fududeeyo inaynu degdeg biyo uga soo saarno isaga ayaa awooda lehe, markaa imika ayaanu dhaqaaqaynaa oo aanu hawshaasi u dhaqaaqaynaa Insha Allaah, dhamaan qalabkii riiga iyo shaqaalihiisa-na waa kuwaa idiin muuqda ee u diyaarsan inay imika dhaqaajiyaan”. Dhinaca kale wasiiradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa galinkii danbe ee Sabtidii kasoo guryo noqotay safar dheer oo saddex maalmood qaatay oo ay ku maraysay deegaada balaadhan ee abaaruhu ka jiraan, isla markaana ay kusoo qiimaynaysay xajmiga abaarta ka jirta deegaanadaasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...