Xisbiga KULMIYE Oo 300 Oo Booyadood Oo Biyo Ah U Diray Deegaannada Abaartu Taabatay Ee Bariga Somaliland.

Xisbiga Talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inuu deegaanada abaartu saamaysay ee bariga dalka u direen Booyado biyo ah oo tiradoodu gaadhayso ilaa iyo saddex boqol (300)oo biyo ah, kuwaas oo loogu talo galay inay qayb ka noqdaan gurmadka lagu samato-bixinayo dadka iyo xoolaha abaartu taabatay.
Shir jaraa’id oo uu afhayeenka xisbiga KULMIYE, md. Xasan Maxamed Cali(Gaafaadhi)maanta ku qabtay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE , ayuu ku sheegay in xisbigu go’aansaday inay booyado biyo ah ku taageeraan dadka tabaalaysan, kuwaas oo loo qaybiyey deegaanno dadkii hayaamay ku urureen iyo weliba deegaanno dadkii ku noolaa awood-arro u guuri kari waayeen,“iyada oo gacanta xisbiga KULMIYE iyo gacanta xukuumaddu isku mid yihiin haddana waxanu is nidhi calaamad xisbiga ah ka geystay abaaraha dhacay, waxana aanu bariga waddanka u dirnay 300 oo booyadood, waxana aanu ugu talo galnay dhulkii dadku u hayaameen ee waxoogaaga roobka ahi ka da’ay iyo dadkii kici kari waayey ee halkoodii abaartu ku heshay ka kici kari waayey, waxana ay taasi qayb ka tahay dedaalka xukuumaddu ugu jirto inay wax gaadhsiiso dadkaas ku tabaalaysan bariga waddanka.”ayuu yidhi afhayeen Xasan Gaafhaadhi.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata, ayaa hoosta ka xarriiqay sida loogu baahan yahay in xukuumadda lagu taageero dedaalka ay ugu jirto taakulaynta dadka tabaalaysan,waxana uu intaas ku daray in xukuumaddu waddo qorshe ballaadhan oo ay ku hawlgelinayso dhammaanba hay’adaheeda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Wixii wax bixin karayaa waa inay ku taageeraan xukuumadda sidii waajibkaas qaran ee maanta degdega ah ee inoo dul fuulay loo dabooli lahaa ilaa inta la kari karayo, dawladduna waxa ay ku jirtaa qorshe ballaadhan oo ay ku hawlgelinayso xubnaha wasaaradaha in wasaarad waliba wixii ay ku beegan tahay ay ka geysato haddii ay caafimaadka xoolaha tahay iyo haddii ay midka dadka tahayba.”
Waxa uu afhayeenku xusay sida baahida loogu qabo in la mideeyo waxtarka deegaannada abaarta loo qoondeeyey, si meesha looga saaro in hanti badan oo waxtari lahayd maamul-xumo ku lunto,“waxa loo baahan yahay in wixii dadkaas la tarayaa ay wax habaysan oo hagaagsan ahaadaan, haddii gacmo faro badan ay midiba meel ka bixisana waxa dhacaysa in hanti badan oo loo baahnaa ay siyaabo khaldan u baxdo, dawladduna waxa uu dedaalkeedu yahay in wax allaale wixii gurmad ah ay iyadu hoggaanka u qabato, intanina waa intii inta la sugayo in qorshe midaysan xukuumaddu ay keento wixii cid wax gaadhsiin kartaa ay gaadhsiiso.”ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.
Isaga oo afhayeenku baaq udiraya bulshada reer Somaliland ee ganacsatada ah waxa uu yidhi,“Bulshada reer Somaliland ee ganacsatada ah waxan leeyahay maanta waxtarkiinii iyo sekadiiniiba waa loo baahan yahay, maalin ay sekadaasu ka wanaagsan tahay meel ka baxdo dadka ay abaaruhu haystaana ma jirto, waxana ay usoo jeedinayaa inay gacan midaysan ka geystaan wixii ay kari karayaan.”
Xasan Gaafaadhi waxa uu farriin gaar ah u diray bulshada reer Somaliland ee dibadaha ku dhaqan, waxana uu ku boorriyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u badbaadin lahaayeen nolosha dadka abaartu haysato,“Bulshada reer Somaliland ee dibadaha ku nool waxan leeyahay waxa la idiinka fadhiyaa inaad qof-qof dedaal u samaysaan oo qofkii hal reer la baxsan kara iyo qofkii laba reer la baxsan karaaba aad la baxsataan, inta bandanna qof kasta oo dibadda jooga qof baadiyaha kaga hadhsan oo abaartaasi ay taabatay baa la helayaa, waana in lagu talo galaa haddii xooluhu dhammaadaan in dadkaas la badbaaadiyo.” Ayuu yidhi Afhayeen Xasan Gaafaadhi.
Isaga oo farriin u diraya bulshada caalamka, isla-markaana u mahadnaqay cidkasta oo gacan ka geysatay xaaladda abaareed ee deegaannada bariga ka taagan, ayaa waxa uu afhayeen Gaafaadhi yidhi,“Bulshada caalamkana waxan leeyahay kolay waa gaadhay dhawaaqii hore’e waxan usoo jeedinayaa inay si degdeg ah uga soo jawaabaan wixii ay tarayaaan umaddaas tabaalaysan, waxana aad u hambalyeynayaa dhammaanba dadkii ilaa imika wax ka geystay dhibaatada haysata dadkaas tabaalaysan.”