Waxaa uu Cirka Ku Laallay Rejada Ay Qabto Cid Kasta Oo Dhuumasho Dhabarku Muuqdo Shaqo Kaga Filata Qaranka
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmarke Maxamed Muxumed Guule, ayaa ballan qaaday in aanuu qaadan doonin shaqaale aan lagu soo xulin qalin iyo caddaalada, isaga oo digniin u diray dadka doonaya in qaab aan nidaamkaas ahayn cid loogu shaqaalaysiiyo. Guddoomiye Sharmarke Maxamed Muxumed Guule oo ka hadlayey munaasibad ay ku qalin jabinayeen arday ka baxday machadka shaqaalaha Dawladda oo hargeysa lagu qabtay, waxa uu yidhi “Qofka bani’aadamka ahi si uu wax u qabto wuxu u baahan yahay saddex Shay, waa qolfoofka Sare, Qudha ku jirta iyo Qorshe uu ku hawlgalo, Somaliland qolfoofkeedu wuu inoo dhisan yahay oo waa hay’addaha dawliga ah ee inoo dhisan, Qudha ku jirtaana waa shaqaalaha dawladda ee waxa aynu dooneyno inoo qabta, qorshuhuna waa Siyaasadda hada madaxweynaha jooga ku hogaaminaayo dalka, waxa maanta inoo farxad weyn ah in Qudhii qaranka ku jirtay inay maanta horteena ku qalin jabinayso isla markaana ay noqon doonaan cudud qarankeena ku soo korodha oo quruxdu awalba ku socday kor uga sii qaada, maanta hadalkayga saddex shay ayaan ku soo koobayaa oo midi waa duco midina waa dardaaran midina waa digniin” Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Marka 1aad ilaahay waxaan ka baryayaa dadka inoo soo qalinjabiyey in uu inooga dhigo himiladda uu qaranku higsanaayo, kuwo kaalin weyn ka geysta oo meelihii iyo hay’addihii dawladda ee loo tababaray markay ku noqdaan noqda cudud wanaagsanoo caqliga iyo cilmiga lagu kabay ay bariba ka muuqato kor u kac ay qaranka halkiisa uga sii qaadaan, ducada ka dib waxaan idinku la dardaarmayaa mudanayaal iyo marwooyin Illaahay hortiisa iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland hortiisa waxaan idinku la dardaarmayaa in cilmiga laydin baray aad qaranka ku anfacdaan, waxaan idinku dardaarayaa in aydaan hayb iyo Xisbi qof kasta oo hortiina yimaada iyo wax kale aydaan ugu adeerine ee in aad ugu adeegtaan baadisooca ugu sareeya oo ah in uu yahay qof qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u dhashay” Guddoomiye Sharmarke Maxamed Muxumed Guule waxa uu ugu dambayn sheegay “Ugu dambeyn mudane Madaxweyne xilka qaranka ee aad ii dhiibtay anaguna xukunkeedii ayaanu qaadaynaa oo saaka waxaanu halkan digniin uga diraynaa cid walba oo noo soo qoran doonta, shaqaale aan lagu soo xulan qalinka iyo caddaalada qaranka Somaliland ee aad noo igmatay madaxweyne, madaxweyne waxaanu dagaal adag ka geli doona, qoraalka na loo soo qoro shaqaale ku haboon hanaankii iyo habkii ku haboona ee qaadashadda shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu diyaarin doona in lagu xukumo si xarago leh cida qaranka u adeegi doonta xoogeedii waanu haynaa xeeladeediina waanu haynaa oo xukunkeediina waad noo dhiibta yaan na laga soo caban, waxaan baaqaygan u dirayaa Hay’addaha dalwliga ah ee albaabadda qaranka lagu soo galo, waxay noqon doonta mid caddaalad iyo qaran ku salaysan, waxaan leeyahay maanta waxaynu marayna in qof kasta halka uu u qalmo la geeyo oo shalay hadii ay aheyd Hub ka dhigis maanta qalin ayaa loo baahday anaguna waanu qaadnay bulshooy idinkuna garabkeeda na siiya” .