Shirkada Dahabshiil Group Oo Wacdaro Ku Soo Bandhigtay Carwada Ganacsi Ee Laga Furay Magaalada Boorama.+SAWIRRO

Boorama (Wargane) Shirkada Dahabshiil Group qaybaheeda Isgaadhsiinta Iyo Xawaalada Ee Somtel Iyo Dahabshiil ayaa maanta wacdaro ku soo bandhigay carwo ganacseedka Magaalada Boorama Laga Furay waxaana shirkadahani ku soo bandhigeen adeegyo casri ah,qiima dhimis iyo adeegyo qaarkood ay bilaash ahaayeen.

Maareeyaha Shirkada Dahabshiil qaybta Xawaalada Ee Gobolada Awdal Iyo Selel Xaaji Ismaaciil Cabdi Riiraash oo nooga warbixiyay waxyaalaha ay maanta ku soo bandhigeen ka shirkad ahaan ayaa noo sheegay in ay bulshada u soo bandhigeen adeegyo ay ka mid yihiin adeega casriga Ah ee E-DAHAB oo uu sheegay in ay dhawaan hirgaliyeen taas oo uu sheegay in si fudud oo bilaa lacag ah la isku diiwaangalinayo,waxa kale oo uu mareeye Riiraash sheegay in ay accountyadii markii hore lacagta ay ku furi jireen maalmahan ay carwadu socoto lagu samayn doono lacag la’aan,waxa uuna ugu danbayn bulshada ugu baaqay in ay fursadaas qaaliga ah ka faa’iidaystaan maalmahan kooban.
Dhanka kale waxaa isna halkaas aan wax ka waydiinayn maareeyaha shirkada SOMTEL qaybteeda Gobolada Awdal Iyo Selel C/qani Cali Xasan waxa uuna nooga warbixiyay waxyaalaha ay kaga qayb qaadanayaan carwadan ganacsi waxa uuna noo sheegay in ay adeegyo casri ah oo dhinaca isgaadhsiinta ah ku soo bandhigeen isaga oo hoosta ka xariiqay in ay adeegyadaasi ugu horeyso Adeega E-Dahab,Enternet 4G oo Xawaarihiisu aad u dheereeyo kaas oo uu sheegay inay qiima dhimis 40% ka dhigeen,sidoo kale waxa uu noo sheegay in ay soo bandhigeen qaybaha Simicardada Shirkada SOMTEL Oo bilaash ah waxa uuna ugu danbayn ka codsaday bulshada reer Boorama iyo guud ahaan Gobolka ay ka faa’iidaystaan mudadaas yar ee kooban ee ay carwadu socoto.

This slideshow requires JavaScript.

Comments

comments