Liverpool ayaa raadin doonta iney ka faa;ideysato rikoorkeeda 19 kulan ah ee aysan wax guuldaro ah kula kulmin kulankooda marka ay kooxda Watford soo gaarti Anfield.
Kulanka: Liverpool Vs Watford
Garoonka: Anfield
Saacada Geeska Afrika: 6:15 Daqiiqo
Wararka Labada Koox:
Liverpool ayaa ku raaxeysaneysa bilaabasho fiican oo xili ciyaareedka ah iyagoo xili hore dhaliyay 34 gool 13 koodii kulan ee ugu horeeyay waxayna ku dhiban yihiin kaliya ilaalinta shabaqooda, si kasto Watford ayaa soo aadi doonta Anfield iyadoo aan wax gool ah laga dhalin shabaqooda sadexii kulan ee ugu danbeeyay sidoo kalena aan wax guuldaro ah la kulmin todobadoodii kulan ee ugu danbeeyay ee Premier League.
Danny Ings ayaana kamid nqon karin kooxda Liverpool inta ka hartay xili ciyaareedkaan kadib markii uu markale ka dhaawacmay jilibka laguna sameeyay qaliin kale, waxaana kulankaan diyar ah dhamaantood James Milner, Georginio Wijnaldum iyo Emre Can .
Watford ayaa shaki ka qabta Sebastian Prodl waxaana kulankaan ka maqnaan doona Craig Cathcart iyo Isaac Success halka Stefano Okaka uu tijaabo xili danbe ah marayo.
Xaqiiqooyinka Kulankaan:
Kaliya hal kamid ah 18 ee ugu danbeeyay ee horyaalka ee labadaan koox ayaa ku dhamaaday barbarro, Liverpool ayaa jeer adkaata halka.
Watford ayaa kaliya hal jeer adkaatay sagaalkii jeer ee ay booqatay Anfield (Sideed guuldaro), waxayna1-0 ku adkaadeen August 1999 tkadib gool uu dhaliyay Tommy Mooney.
Sagaal ciyaartooy oo kala duwan ayaa goolal u dhaliyay Liverpool xili ciyaareedkaan horyaalka Premier League mana jirto koox kale oo intaas ka badan ay goolal u dhaliyeen (Arsenal ayaa lamid ah).
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:
Liverpool XI: Karius, Clyne, Lovren, Matip, Milner, Lallana, Henderson, Can, Mane, Firmino, Coutinho
Watford XI: Gomes, Janmaat, Kaboul, Britos, Amrabat, Pereyra, Behrami, Capoue, Cholevas, Ighalo, Deeney