Somaliland: Maxaa Ka Jira In Ciidammada Laanta Socdaalka Mushaharkooda Laga Jaro Lacago Lagu Bixiyo Deyn Uu Galey Taliyihii Hore?

Date:

Ciidamadda Laanta Socdaalka Somaliland ayaa la sheegayaa in Mushaharooyinkooda laga Jaro lacago lagu Bixiyo deyn la sheegay inuu galey Taliyihii hore ee ciidamadaasi Korneyl Maxamed Cambaro.

Qaar ka mida saraakiisha laanta Socdaalka oo magacyadooda ka gaabsaday arrimo la xidhiidha amniga shaqadooda ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in mushaharkooda laga jaro lacago lagu bixiyo Deyn uu galey Taliyihii hore ee Ciidankaas.

Waxaa ay saraakiishani sheegayaan in lacagtaasi laga jarayay bilihii u dambeeyay ee Taliyaha cusubi la wareegay ciidanka Socdaalka Somaliland, kaasi oo markii shaqaaluhu ay waydiiyeen sababta lacagahaasi looga jarayo uu u sheegay inay jirto deyn lagu leeyahay laanta socdaalka Somaliland oo uu galey Taliyihii hore.

Lacagaha laga Jaro shaqaalaha laanta Socdaalka waxaa ay sheegeen inay tahay Laba nooc, kuwaasi oo kala ah in saraakiisha laga jaro mushaharkooda 300,000 Somaliland shilin ah, halka askarta kale laga Jaro inta u dhaxeysa 150,000 ilaa 80,000 oo lacagta Somaliland, taasi oo oo ay sheegeen inaanay raali ka ahayn in laga jaro, hasa-ahaatee lagu qasbay.

Dhinaca kale, Wargeyska Himilo oo Xalay isku dayay inuu arrintaasi wax ka waydiiyo Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin ayaanay noo suurta galin inaanu helno, Kadib markii uu naga qaban waayay Telefoonkiisa Gacanta, Isla-markaana uu kasoo jawaabi waayay Fariimo aanu u dirnay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...