Wada Hadlo U Bilowdey Jamaal Cali Xussen Iyo Muuse Biixi , Mag Dhaw Siyaasadeed Oo Muuse Miiska Soo Saaray Iyo Musarax Jamaal Oo La Filaayo In Uu Hankiisii Ka Tanaasulo.
Murashaxii Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa la filayaa maalmaha soo socda in uu hankiisii murashaxnimo u sadqeeyo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka dib dedaalo iyo xog-xodasho reeraysan lagu qanciyey in uu u tanaasulo Murashaxa KULMIYE oo ay isku hayb sare ka soo wada jeedaan.
Ma jiraan illaa hada warar amuurtan la xidhiidha oo ka soo baxay labada dhinac balse sida ay xogahu caddeeyeen, ayaa sheegaya in maalmahii ugu dambeeyey Hargeysa ka socdeen kulamo qarsoodi ah oo lagu sadqeynaayo Murashaxnimada Madaxweyne ee Jamaal Cali Xuseen, waxaana ay wararku iftiimiyeen in kulamadan oo uu hoggaaminaayo ganacsato , siyaasiyiin, odey dhaqameedyo iyo aqoon yahan ka soo jeeda beelaha Subeer Awal ay Jamaal Cali Xuseen ku qanciyeen in uu Murashaxnimaddiisa Madaxweyne uu uga tanaasulo Muuse Biixi Cabdi oo ah Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE.
Wararku, waxa kale oo ay intaas ku darayaan in Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen lagu qanciyey in uu reerka uu ka soo jeeda ay dhisi doonaan Muuse Biixi dabadii balse imika uu ka tanaasulo hankiisa Murashaxnimo sida oo kale na uu dhiso una garab istaago Murashaxnimada Madaxweyne ee Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo xogahu tibaaxeen in Ganacsato beeshaasi ka soo jeeda ay dhaqaale buuran oon weli soo shaac bixin xaddiga ay tahay ee uu ugu yaboohay Jamaal Cali Xuseen.
Dhinaca kalana mudane Biixi wuxuu sidoo kale miiska soo saaray mag dhaw uu ka bixinayo kharashaadkii dhaqaale ee mudane Jamaal Cali Xuseen kaga baxay wakhtigii uu saaxadda siyaasadda dib ugu soo celiyay xisbiga UCID, isagoo sidoo kalana Mudane Muuse Biixi Cabdi u ballan qaaday Jamaal Cali Xuseen in ururadda siyaasadda ee dalka uu dib u furi doono inta uu xilka hayo, si taasi ay gogol xaadh ugu noqoto mudane Jamaal Cali Xuseen inuu urur siyaasadeed furto, isla markaana uu gacan ku siin doono.
Qodobaddani ayuu ballan qaaday Muuse Biixi Cabdi dhinaciisa
1- Inaanu tallada dalka wax shan sanno ka badan sii fadhiyi doonin haddii loo doorto xilka
2- In muddada uu xilka hayo uu furi doono ururadda siyasaadda Somaliland, isla markaana uu ku taageeri doono Jamaal Cali Xuseen inuu furto urur uu madax bannaan yahay
3- Inuu bixin doono dhammaan kharashaadkii iyo dhaqaalahii kaga baxay Mudane Jamaal Cali Xuseen siyaasadda
4- in haddii Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ku guulaysto tallada dalka uu siin doono garabka Jamaal Cali Xuseen miisan siyaasadeed oo mugleh.
Dhanka kale, wararku waxa ay hoosta ka xariiqeen in qorshahan lagu sad-qeynaayo Murashaxa UCID ay sida oo kale qaab beelaysan guud ahaan siyaasiyiinta beelaha Subeer Awal ee ku jira Xisbiga UCID oo uu hoggaaminaayo Mujaahid Cali Maxamed (Cali Gurey), waxaana la filan karaa in maalmaha soo socda qaab beelaysan loogga dareero Xisbiga UCID.