Xaqiiqo: Eden Hazard Ma Aha Ciyaariyahan Garab Ah, Hadaba Waa Kee Booskiisa Saxda Ah ?

Iska ilow wax waliba oo aad iga aaminsaneed booska saxda ah ee  Eden Hazard, Antonio Conte ayaana soo saaray booska saxda ah ee xidigaan tan iyo markii uu shaxda kooxdiisa u badalay 3-4-3.

Xidigaan ayaa markale ahaa xidigii ugu fiicnaa garoonka kulankii xalay ay ka adkaadeen  Southampton markaasoo uu furay gooldhalinta, waxayna Opta xaqiijineysaa inuu ka ciyaaro boos ka sareeya halka dhabta ah ee uu ka ciyaaro Diego Costa.

Xaqiiq ahaan, tan iyo markii ay Chelsea u wareegtay shax ciyaareedka 3-4-3 kulankii Hull City, Hazard ayaa celcelis ahaan ka ciyaarayay boos ka sareeyay kan Costa marka laga reebo hal kulan ( Manchester United) dhamaan bishii October.

Chelsea ayaa adkaatay dhamaan kulamadii ay qaateen shaxda cusub ee Conte ee horyaalka ahaa waxayna afar kulan oo xiriir ah ilaashadeen shabaqooda inkastoo ay guuldaro 2-1 ah ka soo gaartay tartanka EFL Cup kooxda West Ham kadib markii uu nasiyay Hazard, Costa iyo Victor Moses.

Hazard aya sidoo kale markii ugu horeysay waayihiisa Chelsea uu dhaliyo goolal xiriir ah halka uu sidoo kale dhaliyay goolal ka badan intuu u dhaliyay Chelsea xili ciyaareedkii hore oo dhan.

cwf5mh8wyaavmsk

Comments

comments