Somaliland: Guddoomiyaha Waddani Oo Farriin Iyo Bogaadin U Diray Xubnaha Iyo Taageerayaasha Xisbiga

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa guud ahaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba ugu hambalyeeyey qaabkii uu u soo qabsoomay shirkii Golaha Dhaxe ee Xisbiga WADDANI oo bishan dabayaaqaddeedii ka qabsoomay magaalada Hargeysa, waxaana uu shirkaas ku tilmaamay in uu ahaa mid ku soo dhammaaday hab guul ah.

Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalayqaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana sida oo kale uu fariin u diray guud ahaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI, isaga oo ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan ka qeyb-qaadashada xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo weli ba sida oo kale in ay isu diyaariyaan dardar-gelinta hawlaha Xisbiga oo uu sheegay in hawlo badan oo Xisbiga ahi ay soo socdaan.

“Waxaan leenahay xubnaha Xisbiga WADDANI, waxaan idin ku hambalyeynaynaa shirkii Golaha Dhaxe ee guusha innoogu dhammaaday, ayaanu hambalyo u wada diraynaa

dhammaantood,waxa kale oo aanu leenaya hawlaha xisbiga ee soo socda taa abaaraha iyo ta kale ee dar-dargelinta Xisbiga ha loo diyaar garoobo,waanan idin

hammbalyeynayaa ”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xidhibbaan Cabdiqaadir Jirde Ismaaciil.

Comments

comments