Somaliland: Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Sababaha Baajiyey Shirkii Burco Ee Madaxweyne Silaanyo Hore U Iclaamiyey & Diidmadii Cali Khaliif.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Wareysi Gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Himilo kaga Warramay Sababaha uu Dib ugu Dhacay Shirkii Beelaha Gobollada bari ugu qabsoomi lahaa Magaalada Burco, 25ka bishan tobnaad ee sanadka 2016, sida uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed-Silaanyo uu hore ugu dhawaaqay oo ku beegnayd dorraad.

Wasiirku waxa kale oo uu jawaab ka bixiyey dhawaaqyada diidmada ee ka soo yeedhaya siyaasi Cali Khaliif Galaydh ee ku aadan qabsoomida shirkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo Wargeyska Himilo Xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhay ayaa ugu horreyn weydiinay sababta uu dib ugu dhacay shirkii Burco ee hore Madaxweynaha Somaliland ugu cayimay inuu Magaalada Burco ku qabsoomo 25ka bisha tobnaad ee 2016, “Shirkaasi sidii loogu tallo galay ayuu wali u qorshaysan yahay, waana la qabanayaa, waxaase is beddeshay muddadii hore loogu cayimay in la qabto, balse sababo badan dartood ayey u suurto gali weyday in la qabto shirkaasi xilligii loo cayimay, mana aha dhinac kaliya oo ah Xukuumadda ee dhinaca kalena wakhtigii ayaa ku yaraaday ay ku diyaar garoobi lahaayeen, sidaa awgeed ayaa shirkaasi dib ugu dhacay, laakiin halkiisii ayuu u qorshaysan yahay waanu dhici doonaa”.

Wargeyska Himilo waxa kale oo uu wasiirka weydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo sababaha dib u dhaca keenay waxay yihiin “Maaha wax weyn oo muhiim ah iyo diidmo iyo warwareeg midna, balse waa wax caadi ah oo waxa jira xagga dawladda inay aad u mashquulsan tahay oo ay hawlo badan ku jirto, dhinaca dadkii deegaanka ee shirka loo qaban lahaana waxa cidhiidhi ku noqday wakhtigii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen, Sidaa darteedna waxa labada dhinacba loo arkay in waqtigan shirka hore loogu cayimay ee ahaa 25,OCT,2016 inay degdeg ku tahay oo dib loo dhigo”.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudahu oo Wargeyska Himilo weydiiyey sida uu arko in Cali Khaliif Galaydh uu ka soo horjeedo qabsoomidda shirkaasi ayaa waxa uu ku jawaabay “Cali Khaliif Galaydh, isaga ayey la jirtaa waxa uu ku hadlayaa, mana aha wax khuseeya shirkan ee Waa qof rayigiisa ka hadlay, markaa wax macno ah uguma fadhido halkan”.

Wasiir Faratoon, waxa uu intaasi ku daray in dib-u-dhaca shirkaasi aanu ka badnaan doonin muddo bil ah, balse haatan aanu si rasmi ah u sii sheegi Karin waqtiga la qaban doono.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...