Kenya: Suuqa Ugu Wayn Ee Lagu Iibiyo Huudheydhka Oo Gubtay

Suuqa Gikomba ayaa la sheegay in uu dab qabsaday xalli saqdii dhexe. Wuxuu ku dhowyahay xaafadda Islii ee Nairobi. Suuqa oo lagu tilmaamay in uu yahay midka ugu wayn ee dharka celiska ah ee Huudheydhka loo yaaqano ayaa dhowr jeer oo hore gubtay. Waxaa loo maleynayaa in dabka oo ah mid xoog badan uu suuqa ka dhigo dambas. Dhar aad u badan ayaana ku gubtay.

Wasiir ka tirsan dowladda Kenya, Mwangi Kiunjuri, ayaa sheegay in la baarayowaxa sababay dabka soo noqnoqday.

Waxaa laga shakinayaa in dabka soo noqnoqday ee suuqa Gikomba uu yahay “mid si ulakac ah loo sameeyo”.

Gawaadhida dab demiska ayaa ayaa illaa iyo hadda deminaya suuqa gubtay, si ay u badbaadiyaan wixii ka haray dharka huudheyda.

Mid ka mid ah suuqlayda ayaa sheegay in ay ka gubteen 250 bundadood oo u dhigma $23 kun oo dollar (£17,600).

Comments

comments