Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Xukuumadda Somaliland siinayso in doorashooyinku wakhtigooda ay qabsoomaan.
Waxaa kale oo uu ka hadlay 26 sanno oo ay Somaliland jirtay in ay caalamka ku tahay xujo aan la dhaafi karin oo cad isla markaana adduun-weynaha looga baahan yahay in ay garwaaqsadaan aqoonsiga Somaliland.Waxaanu farriin u diray qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka oo uu ka dalbaday in ay dhaqaalaha doorashada badhkooda bixiyaan.
Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka Taleefanka ku siiyay wargeyska DAWAN.Ugu horrayn Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka hadlayay 26 sano ka dib Somaliland halka ay u socoto iyo waxyaabaha u qabsoomay ayaa yidhi “Horta 26 sanno dal dhan oo aan waxa u dhisnayn oo aan lahayn ciidan booliis iyo mid millatari oo saacad kali ah ammaanka sugi kara oo bur-buray oo dal ahaan iyo dad ahaanba u bur-buray in dib loo dhisaa ma hawl yara,caalamkana sannadaha qaar ayaanay tirsan dalalka caalamku marka ay ku xumaadaan oo ay taariikhdooda ka saaraan markaa Somaliland dadka odhanaya 26 sanno ayay jirtaa ee maxaa wax waliba u dhammaystirmi waayeen waxaanay ahayn waayo arag waxaad ogtahay in 26-kaa sanno tobankii ugu horreeyay ay innagu dhaafeen qalalaase iyo dib u noqosho iyo dagaalo sokeeye.
Sannado kalena waxay innagu dhaafeen dib u heshiisiin iyo nabadeyn iyo in dadka la isu keeno markaa inta ay dawladnimadu hana qaadayba waa muddo kooban oo 26,kaa sanno ka mid ah markaa waxaan odhan karaa Somaliland waxay caalamka ku tahay xujo aan la dafiri karin oo dunida bartay wax aanay cidina hore u aqoon oo ah dal dhan oo intuu dad ahaan iyo dal ahaanba burburay haddana kelidii isku tashaday oo isagu dib isu dhisay oo aayihiisa gartay. taasina waxay dunida ku tahay xujo aan hore dunida uga dhicin cid sidaa u burburtay oo iyadoo aan taageero helin haddana dib u dhisatay dalkeeda aanay caalamka ka dhicin markaa caalamka waxaa la gudboon in ay garwaaqsadaan xaqiiqada ka jirta Somaliland oo ay qiraan dawladnidameeda oo aqoonsadaan waxna ka bartaan.”
Wasiirka oo ka hadlayay doorsahada Madaxtooyada ee Somaliland iyo saamaynta ay ku yeelan karto haddii la waayo qaadhaanka ay doorashooyinka kaga taageeraan beesha Caalamku,ayaa yidhi. “Xukuumadda way ka go’an tahay in doorashadu wakhtigeeda ay qabsoonto waxa laga wada war qabaa Dawlad yar oo aan la aqoonsan oo fiqiir ah abaarona ka jiraan dalkeeda ayaa 4 Milyan Oo Dollar doorashada ku qarash garaysay qaadhaan bixiyeyaashuna intooda way bixinayaan haddii Dimuquraadiyadda ay sheegayanaan ka dhab tahay. Sababtoo ah Dimuquraadiyaddu wax aynu gaar u leenahay maaha waa wax Somaliland iyo caalamkaba ka wada dhaxaysa dunida dimuquraadiyadda ku faanta ee beesha caalamka ahna waxaa looga baahan yahay in ay taageeraan cid kasta oo dimuquraadiyadda jidkeeda ku socota,markaa gudiga doorashooyinkuna dhawaan ayay socdaal dibada ugu baxayaan waanay la soo kulmayaan dalalka Somaliland doorashooyinka ka taageera markaa waxaan qabaa in ay iyaguna intooda bixin doonaan, mar kastana Xukuumadda way ka go’an tahay in doorashada Madaxtooyadu qabsoonto wakhtigeeda.”
Wasiirka oo la waydiiyay waxyaabaha ugu waaweyn ee ay ku doonayaan in lagu doorto xisbi xaakimka KULMIYE oo u tartamaya mar labaad hoggaanka dalka, ayaa ku jawaabay. “Hora wax aan culays nagu ahaynba waxaa jirta in aanu soo bandhigno waxaanu qabanay iyo halka aanu dalka ka soo qaadnay iyo halka uu maanta marayo taana waxaanu ku soo bandhigaynaa iyadoo aanaan is faaninayn beena aanaan sheegayn degmo kasta oo dalka ka mid ah waxaanu ka qabanay iyo mashaariicda aanu ka fulinay oo xaqiiqo ah taas ayaanay dadku nagu dooranayaan waxaanan soo bandhigaynaa iyadoo qoraal ah waxqabadkii Xukuumadda KULMIYE iyo yoolka higsiga noo qorshaysan waana wax cad oo aan qarsoonayn hoggaaminta KULMIYE iyo himilada aanu dalka la doonaynaaba.”ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda gaadhaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami