2.400 oo laga badbaadiyey badda dhexe

Markab gargaar oo ay leedahay dowladda Norway oo lagu magacaabo Siem Pilot iyo mar kabka kale ayaa badbaadiyey dad gaaraya 2.400 oo qof oo tahriib ah, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Talyaanigu. 14 qof oo meyd ah ayaa badda laga soo saarey.

Iyada oo la sii gelayo xiligii qaboobaha ee ay hoos u dhici jireen dadka tahriibta ah ee soo mara biyaha u dhexeeya Waqooyiga Afrika iyo Koonfurta Yurub ayaa 48 saac ee u danbeysey ahayd mid xaaladdu aad u xuntahay sida sheegeen ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Shaqaalaha Markabka Siem Pilot ayaa ku khasbaanaadey in ay badbaadiyaan dadkan oo ay Talyaaniga ku wargeliyaan kooxaha soo tahriibiyey.

Talyaaniga ayaa sheegaya in sanadkan oo keliya 146 000 oo qof oo tahriib ah ay dalkooda yimaadeen.

Comments

comments