Somaliland Oo Doonaysa In Loo Soo Gacan-geliyo Generaal Morgan Iyo Maslax Maxamed Siyaad

Dawladda Somaliland, ayaa Soomaaliya ka dalbatay in gacanta loo soo geliyo Janaraal Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo Maslax Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa saraakiishii dawladdii Milatariga ahayd ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddida Xasuuqa Somaliland Khadar Axmed Like, oo Shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xubno lagu darayo aqalka sare ee Soomaaliya ay dambi ka galeen Shacabka Reer Somaliland xilligii Dawladdii Siyaad Barre, “Dawladda Soomaaliya iyo dawladaha Caalamka  ee taageeraya Golaha Sare ee baarlamaanka Soomaaliya waxaanu u sheegaynaa inaan lagu darin Nimanka xasuuqay shacabka reer Somaliland.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Xasuuqa Somaliland oo dawladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka uga digayay in xubnahaasi lagu daro aqal sare ee dalkaas, waxaanu intaa raaciyey, “Waxaanu Beesha Caalamka iyo Dawladda Soomaaliya ka codsanaynaa in gacanta la noo soo geliyo Nimankaasi doonaya inay markale xasuuqaan Shacabka Somaliland”

Comments

comments