Seddexleydii cajiibka aheyd ee uu Lionel Messi ka dhaliyay Manchester City xalayto kaliya ma aysan xaqiijinin booska koowaad ee Barcelona ee Group C, waxa ay sidoo kale dhigtay buuga taariikhda isagoo jabiyay rikoor kale.
Seddexdii gool ee uu Messi dhaliyay ayaa ahaa goolashiisii 50aad ee uu ku dhaliyo garoonka kooxdiisa tartanka Champions League, waana rikoor cusub. Waxaa rikoorka hore u hayay halyeeygii Real Madrid kaasoo 49 gool oo Champions League ah ku dhaliyay guriga Real Madrid iyo Schalke 04.
Kooxda Barcelona ayaa si sahlan seefta u marisay kooxda Pep Guardiola oo marti ku aheyd Camp Nou, iyadoo Messi uu seddex gool dhaliyay halka Neymar uu gool afaraad ku daray dhamaadkii ciyaarta iyagoo ku badiyay 4-0.
Tababarihii hor ee Barcelona ayaa ku rafaaday labadii jeer ee uu ku soo laabtay garoonkiisii hore isagoo laga dhaliyay todobo gool oo bilaa jawaab ah kaliya labo kulan, markii ugu horeysay waxaa 3-0 looga badiyay isagoo wata Bayern Munich, haatana Man City.