“Cid Walba Oo Shaki Ka Qabtay Messi Waa Bilaa Caqli.” – Luis Enrique Oo Amaanay Messi Kana Hadlay Guushii Ay Ka Gaareen Man City.

Tababaraha kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga Barcelona Lionel Messi kaasoo seddexleey dhaliyay kulankii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda Manchester City ee xalayto ka dhacay Camp Nou.

“Ma jiryo cid shaki gelisay Messi” ayuu yiri tababaraha Barcelona.

“Cid walba oo shaki ka qabtay waa bilaa caqli.”

Ka hor ciyaarta waxaa si weyn looga hadlayay ku laabashada Pep Guardiola ee Camp Nou, inkastoo uu tababare Luis Enrique uu gacanta sarre helay hadana waxa uu qirtay inay weli waddo dheer u jiraan dhanka u soo bixitaanka wareega 16ka.

“Tani calaamad uma ahan inaan xaqiijisanay soo bixitaankeena, kaliya waa seddex dhibcood kale, waana hubaa inay isku dayi doonaan inay inaga argutaan kulanka Manchester” ayuu yiri.

“Waxyaabo badan oo aan inta badan dhicin ayaa dhacay kulankaan: dhaawacyo, kaarar casaan, labo kooxood oo si isku mid ah u ciyaaray, waxaana ay taasi keentay qaladaad.

“Waa natiijo dhameystiran oo inaga dhigeysa kuwa xoogan.”

Comments

comments