Somaliland: Hoggaanka KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Reer Gabiley ah Oo Xisbiga Kusoo Biiray KULMIYE + Sawiro.

Hoggaanka saree e xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey qaar kamid ah xildhibaannada golaha deegaanka Gabiley oo hore uga soo baxay ururradii tartanka ku hadhay, kuwaas oo si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga KULMIYE.

Munaasibad si weyn loosoo agaasimay oo lagu qabtay magaalada Gabiley, ayaa wax aka qayb galay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, wasiirro, agaasimayaal guud, maamulka gobolka, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana si weyn loosoo dhaweeyey xildhibaanada xisbiga kusoo biiray iyo taageerayaashooda.
Hadallo soo dhaweyn iyo bogaadin u badan, ayaa halkaas laga jeediyey, waxana xubnaha xildhibaanada ee xisbiga kusoo biiray oo uu wehelinayey xog-hayihii gobolka Gabiley u qaabilsanaa xisbiga UCID oo isaga laftiisu KULMIYE kusoo biiray oo madashaas ka hadlay sheegeen inay ku qanceen xisbiga dalka hoggaamiye, isla markaana ay taageero hiil iyo hooba leh siin doonaan.
Madaxda gobolka oo ay ugu horreeyaan maayarka, badhasaabka iyo weliba guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolkaas oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha xisbiga kusoo biiray, waxana hoosta ka xarriiqeen inay hubaan awoodda iyo cududada ay xubnahaasi xisbiga kusoo kordhin doonaan oo ah mid gobolka si weyn looga dareemayo.

Xubno wasiirro ah oo ay kamid ahaayeen wasiirrada wasaaradaha Beeraha Md. Maxamed Aw Daahir, Warshedaha Md. Shucayb Maxamed Muuse oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa waji furan ku qaabilay xildhibaanada xisbiga kusoo biiray iyo taageerayaashoodaba, waxana ay intaas ku dareen inay si dhaw ula shaqayn doonaan cudduda cusub ee xisbigu hantiyey.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna madasha soo afmeeray, ayaa si weyn ugu hambalyeeyey xildhibaanada iyo siyaasiyiinta go’aansaday inay xisbiga KULMIYE kusoo biiraaan, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay Gabiley tahay meelaha ugu horreeya ee tusaalaha u noqon doonta guul uu xisbiga KULMIYE markale ku hantiyo hoggaanka dalka.

maxamed-kaahin 14650082_313860665644326_1266071151793356785_n 14650466_313862048977521_1483122432472020573_n 14650082_313860665644326_1266071151793356785_n 14650466_313862048977521_1483122432472020573_n 14650656_313863375644055_2763622514772534816_n 14656266_313864398977286_8376840812881408498_n 14657455_313865125643880_6830495911601914367_n 14657512_313864178977308_6889508973671010353_n 14666091_313861948977531_796401837563039932_n 14670791_313864565643936_4062423705316094443_n 14680529_313862538977472_470280124290678798_n 14681639_313861648977561_8143953887361274113_n 14681762_313861075644285_7979131531744986253_n 14681778_313860822310977_7593784653772948647_n 14718594_313861508977575_2843239284832082029_n 14718677_313861242310935_5793477186953145879_n 14720446_313861402310919_5604991984025116219_n 14720568_313862285644164_44826193968065776_n 14731228_313861332310926_2179312071415339856_n 14731254_313863482310711_7561020774308362534_n

Comments

comments