Somaliland: Guddoomiye Cirro Iyo Kaadirka Beeshiisa Oo Shirar-Doceedyo Lagu Wiiqayo Cududda Taageero Ee Axmed M. Seed Ku Yeeshay Hargeysa

Date:

Waxa si weyn loo lafoguray sidii xubnaha golaha dhexe ee taageerayaasha u ah Axmed Muumin Seed culays badan loogu saari inay codkooda siiyaan Murrashax Maxamed Cali.

Guddoomiyaha xisbiga golaha wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) iyo kaadirka beesha uu kasoo jeedo u badan ee uu ka qaato talooyinka, ayaa kullamo qarsoodi ah oo ay Hargeysa ku yeesheen ku go’aamiyey sidii ay dedaalkooda iskugu geyn lahaayeen inuu doorashada murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeenka kusoo baxo Eng. Maxamed Cali oo dhawaan kusoo biiray xisbiga WADDANI.

Sida ay sheegayaan xogo dheeri ah oo wargeyska Hubaal ka helay kulamada qarsoodiga ah ee uu guddoomiye Cirro iyo kaadirka beeshiisu yeesheen, waxa si weyn loo falanqeeyey farqiqa u dhexeeya labada murrashax ee kala ah Axmed Muumin Seed iyo Eng. Maxamed Cali, waxana la is tusaaleeyey oo la isku qanciyey inaanu guddoomiye Seed la jaanqaadi Karin rabitaanka iyo istaraatiijiyada qarsoodiga ah ee xubnaha talada xisbiga gooyaa dejiyaan, waxana la go’aamiyey in dagaal adag oo dhinaca cod-bixinta ah lagu qaado guddoomiye Seed oo laga baqo qabo inuu cudud ballaadhan ka dhex hantiyo xubnaha golaha dhexe ee maalinta berri ah codayn doona.

Xubnaha kulankaas ka qaybgalay oo dhammaantood kasoo horjeeda inuu Axmed Muumin Seed kusoo baxo kursiga madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga WADDANI, ayaa ku ballamay in la xod-xoto cidkasta oo lagu tuhmayo inuu murrashaxaas dhinaciisa u janjeedho, waxana la isla gartay taageero dhaqaale oo miisaan leh la siiyo murrashaxa kale ee la tartamaya oo ay u arkaan nin ku haboon istaraatiijiyadooda qarsoon ee ay hoosta ka wataan.

Xogaha aanu hayno ee kulankaas ku saabsan, ayaa sheegaya in la go’aamiyey sidii loo duufsan lahaa xubnaha looga shaki qabo inay la jaal yihiin murrashax Axmed Muumin Seed, isla-markaana dabagal lagu sameeyo cidkasta oo aan la hubin meesha ay codkeeda siin doonto.

Kaadirka kasoo jeeda beesha guddoomiye Cirro, ayaa si weyn uga soo horjeeda murrashaxnimada             Axmed Muumin Seed, waxana ay hore iskugu dayeen inay ku qanciyaan sidii uu ugu tanaasuli lahaa Eng. Maxamed Cali oo ah ninka haatan la loollamay, balse arrintaas si adag ayuu uga soo horjeestay isaga oo weliba odayaashiisa Hargeysa u keenay inay murrashaxnimadiisa ka dhaadhiciyaan guddoomiye Cirro, balse markii dambe taas waa laga oggolaaday, waxase ku socda dagaal kale oo dhinaca xubnaha codka bixinaya ah.

Axmed Muumin Seed oo isagu dedaal iyo karti badan geliyey xisbiga WADDANI, ayaa u adkaystay cadaadiska iyo colaadda xubnaha kasoo jeeda beesha guddoomiye Cirro kula kaceen, waxana ku dhiirraday inuu calafkiisa ka qaado madasha lagu tartamayo, balse wax badan kalama socdo shirar doceedyada lagu shirqoolayo murrashaxnimadiisa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...