MA JIRTO DAHABSHIIL CID UGA WAXTAR BADAN SOOMAALIDA

Laga Soo Bilaabo Maalintii La Aasaasay Shirkada Xawilaada Lacagaha ee Dahabshiil Waxaad Maalinba Maalinta ka Danbaysa la Dareemayay Koboca Dhaqaale

Laga Soo Bilaabo Maalintii La Aasaasay Shirkada Xawilaada Lacagaha ee Dahabshiil Waxaad Maalinba Maalinta ka Danbaysa la Dareemayay Koboca Dhaqaale iyo kan Horumarineed ee ay Bulshada u Horseeday, Kasbashada Bulshadu Waa Hadba sida aad Wax ugu Qabato, Taasina Waxay Cadaynaysaa Shirkadda Dahabshiil Hanashada ay Umaddan Hanatay inay ka Markhaati kacayso Sida ay ugu Hawlantahay Horumarinta Bulshada ay u Adeegto iyo Waxtarka Muuqda ee ay la Garab istaagto iyadoo ay waliba Siinaysa Yididiilo iyo Dhiiri-gelin dhinaca Horumarka Dhaqaalaha iyo kan Nololeedba.

Haddaba Waxaynu Maanta Diirada Saaraynaa Marka Laga Yimaado Shirkadda Dahabshiil Adeega ay u Qabato Bulshadeeda Sumcad intee Leeg ayay u soo KordhisaySoomaalida?
Kaalinta ay Aduunka Kaga Jirto ma ku leedahay Saamayn Soomaalida?
Sanad Waliba Waayihii Nin Walibana Kartidii Mudo laga Joogo 2 Sano iyo Dheeraad ayaa Shirkadda Dahabshiil waxaa Si Gef ah u Doonay inuu Xidhiidhka ugu Jaro Bangiga Caalamiga ah ee Barclays Bank isagoo Eedayn uga Dhigaya in Shirkada Dahabshiil laga Leeyahay Dhulka Soomaalida, Sidaa Darteed aanay la Shaqayn Karin Eed aanay Shirkadu lahayna Dusha u Saaray, Haddaba Hogaanka Shirkada Dahabshiil Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaan Marnaba ka Fadhiisan Siduu u Muujin Lahaa Soomaalidu inay Tahay Dad Sumcad iyo Karaamo Caalamka Guudkiisa ku Leh Awoodna u Leh inay Barclays Bank Ku Maxkamadeeyaan Dhulkiisa Hooyo kagana Guulaystaan Dacwaday Dalkiisa kula Galeen.

Taasi waxay Sabab u Noqotay in La Ilaaliyo Xeerka Ganacsiga Caalamiga ah laguna Qadariyo Soomaalida Soomaalinimadeeda, Shirkada Dahabshiil Dhismayaasha Kaabayaasha Dhaqaalaha, Taageerida Dhalinyarada, Dhiirigelinta Ganacsatada Yaryar, Tartanka Suuqa Xorta ah, Kaabista Waxbarashada, Caafimaadka, Wadooyinka, Agoonta, Danyarta Dhamaan Waxyaalahaas aynu Soo sheegnay Horumarintooda Waxaa Kaalinta Koowaad Soomaalida ugu Jirta Shirkada Wadaniga ah ee Dahabshiil.

Dhacdooyinka iyo Xiliyadii ay Shirkada Dahabshiil Hormuudka ka ahayd Xili Loo Baahnaa Dadka Maalqabeenada ah iyo Shirkadaha Wadaniga inay ka Qayb qaataan Xaalad u Baahan Taageeradeeda Dahabshiil waxay Xiliyadaa ahayd Mid Ka Turjumaysa Heegankay ugu Jirto Kaalmaynta Dadka Soomaalida ah.

La Soco Akhristow Qaybaha Danbe oo aynu Xiliyadaas kaga Sheekayn Doono.

Comments

comments