“Horta Dadkan Iminka Ka Tagay Xukuumada Badankoodu Hore Umay aheyn Dad hawl Wadeeno Ka Ah Xisbiga Kulmiye , Waxay u Badnaayeen Dad iskood U Shaqeysta ama Xawaalado Ka Shaqeeya Muuse Biixi Cabdi
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadley Siyaasiyiintii Isbaheysiga Ee Ku Biiray Xisbiga Waddani .
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa wareysi uu siiyey idaacada BBC da laanteeda afka Soomaliga ayaa uu kaga hadley siyaasiyiintii isbaheysiga Kulmiye ee ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani .
Muddane Biixi waxaa uu sheegay in siyaasiyiintaas badankoodu aanay ka mid aheyn dadkii hawl wadeenada ahaa ee xisbiga Kulmiye ka mid ahaan jiray balse waxaa uu ku sifeeyey rag ganacsato ahaan jiray oo xukuumada si dhib yar u soo galay waxaana uu yidhi
“Horta dadkan iminka ka tagay xukuumada badankoodu hore umay aheyn dad hawl wadeeno ka ah xisbiga Kulmiye , waxay u badnaayeen dad iskood u shaqeysta ama xawaalado ka shaqeeya , hasa yeeshee markii xisbiga Kulmiye guuleystay ka soo qeyb galay xukuumadii uu madaxweynuhu xilal u dhibay markii danbana xilalkii uu madaxweynuhu u dhiibey iyagii oo xukuumadii ah ayey is casileen , wey jiraan dhawr qof oo ragii xisbiga ka mid ahaa wey jiraan ” ayuu yidhi
Sidoo kale gudoomiye Muuse Biixi isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in aanay jirin wax ay iskugu yimadeen oo xumaani ahi waxaana uu yidhi
” Dee anaga waxba iskumanaan qaban , iyaga ayaa doortey in ay meel kale tagaan , dee markaas qofku waa u xor raygiisa ” ayuu yidhi Muj Muuse Biixi oo wareysi siiyey Idaacada BBC da.