Somaliland: “Halkii Musharraxa Xisbul Xaakimku Seegtay Musharrax UCID Ayaa Asiibay Reer Borame Iyagu Way Ka Dhergeen Madaxwayne Iyo Ku-xigeen…” Muj. Cali Guray.

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) ayaa soo dhoweeyey go”aankii Musharaxa Xisbiga Ucid, Jamaal Cali Xuseen Musharaxa Madaxweyne ku xigeenkiisa kusoo xulanaayey, kaasoo shaaciyey inuu ka dhiganayo qof kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag midkood.

Gudoomiye Cali Guray waxa ui shaaciyey in Musharaxa xisbigoodu ka faa”idaystay jaanis aad muhiim u ahaa, kaasoo uu daayacay Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana waxa ui tibaaxay inui Xisbiga Ucid ku keliyeysan doono gobolada Sool iyo sanaag oo dadka ku noole sanaadkan si weyn isku diiwaangeliyeen. Sidoo kale cali guray waxa uu sheegay inaanay reer awdal sanadkan u baahnayn madaxweyne ku xigeen, maadaama oo ay soo mareen madaxweyne iyo xigeen labadaba.

Gudoomiue Cali guray ayaa arrimahan kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyey boggiisa facebook, waxanu u dhigan u yahay sidan.

“Halkii Musharaxa Xisbul Xaakimku seegay Musharax UCID baa asiibay. Reer Borame iyagu way ka dhergeen Madaxwayne xigeen Madaxwayne ayaabay ka noqdeen Somaliland. Doorkan waa xagga bariga ku xigeen daayoo Madaxwaynaha ayaaba laga wada hadli karaa hadii Somaliland isu dhan lagu helayo oon anigu ogolahay. Markaa waan ku raacsanahay Jamaal hadii uu cugtay ku xigeen ka soo jeeda beelaha bariga Somaliland”. Ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid cali maxamed Yuusuf.

Comments

comments