Xubno Miisaan Culus ku dhex leh Masraxa Siyaasada SOMALILAND isla markaana xilal wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadihii U Kala dambeeyey Xukunka Dalka Wasiiradan Oo ah Xubno Saameyn Weyn Kuleh Dalka ayaa Shirar Mudooyinkii U Dambeyeey Uga Socdey Magaaladda Hargeysa Ku Tashadey iney Cududooda Isugu Geeyaan Xisbiga KULMIYE.
Ilo Looga qaateena Oo Dhaq-dhaqaaqoda Diiradda ku Hayey Ayaa Wargeyska SAHAN U Xaqiijiyey in Xubnahan iyo Madaxdhaqameedka Beelweynta Subeer awal Ay Ku Taliyeen in Xooga Laysugu Geeyo In Laga Soo Muuqdo Kursiga Ugu Sareeya Qaranka Isla Markaana Ay Waayo aragnimadooda Siyaasadeed Ku biiriyaan Xisbiga Talada Haya Ee KULMIYE Xubnahan Oo Ay Ka Mid Yihiin Wasiirkii Hore Maaliyada Somaliland Ee Xukuumadda SIILAANYO
1 Eng Maxamed Xaashi Cilmi
2 Axmed Jaambiir Suldaan
3 Xasan Xaaji Maxamuud
4 Cabdilaahi Ismaaciil (CIRRO)
5 Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil YARE)
6 Cumar Ciise Cawaale
Xubnahan oo Dawladihii kala dambeeyey wasiiro ka soo ahaa qaarkooda Hore uga tirsanaayeen Xisbiga Kulmiye ayaa la filayaa in Todobaadkan Soo socda ay ku Biiraan Xisbiga KULMIYE. Shaqasiyaadkan ayaa Hadii ay ka soo dhex muuqdaan Salaanka Siyaasada Waxey Sifiican Uga Ciyaari Doonan Jeegaanta Wareegaysa Ee Siyaasada Somaliland Oo Ay Muddo Ka Maqnaayeen Wararka Ayaa Intaa KuDaraya Inxubnahan iyo Qoorweynta Sacad Muuse Talo Ku Gaadheen In Cududa laysugu keeno Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Si ay Uga Soo Muuqdaan Booska ugu Sareeya Madaxtooyada dalka Ee Hirdanka Siyaasadeed Loogu Jirro Waxse Ilo Xogagali Tibaaxayana in Xubnahan Laftigoodu Sugayaan Madaxweynaha Somaliland Oo Ay Ku Tashadeen Iney Kulan Albaabadu U xidhan Yihiin La Qaataan Si ay Mooradda Siyaasada dalka Uga Tashadaan. Dhawaaqa xubnahan ayaa bedel Weyn UnoqonayaOo Buuxiya Jagooyin ay ka dudeen Xubnihii Siyaasada Kulmiye ka Barakacay Oo ay Loolan Siyaasadeed Oo Xoogan Ku Muujin Doonan Awoododa Siyaasadeed Ee Lagu Waddo Iney Kulmiye ku Abtirsadaan.