Guddida kala reebista iyo qabashada Araajida Murashaxiinta u tartamaysa jagooyinka Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga WADDANI, ayaa maanta ku dhawaaqay in ay billaabayaan qabashada Araajida Murashaxiinta Madaxweyne iyo ku Xigeen ee ka dhex-tamaysa shirweynaha golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI oo la filaayo in uu qabsoomo 19ka bishan aynu ku jirno ee October.
Xoghayaha guud ee Xisbiga Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, oo ka mid ah guddidaas, ayaa sidan u sheegay qaar ka mid ah Warbaahinta oo uu maanta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu ku war-galiyey Murashaxiinta tartamaysa in wakhtiga qabashada Araajida Murashaxnimo ay ku eeg tahay berito 5ta-galabnimo 09/10/2016ka.
“Xisbiga WADDANI, waxa uu doonayaa in uu maanta halkan ka iclaamiyo guddidii kala reebista murashaxiinta oo rabta in ay halkan umadda uga sheegto in la soo gebo-gabeeyey oo muddo laga soo shaqeynaayey hawlaha murashaxiinta imikana ay taagan tahay xilligii qabashada hawlaha Araajida ee ay keeni lahaayeen Murashaxiinta u tartamaysa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga WADDANI. Waxaana aanu u sheegaynaa oo aanu oggeysiinaynaa dhammaan ciddii u tartamaysa murashaxa Madaxweynaha iyo ciddii u tarmaysa Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka in berito 09/10/2016ka ay keenaan Araajiddooda Murashaxnimo, halkanna ay ka qaataan, wixii shuruudo ah ee Xisbigu ugu daraayey oo ay Xafiiska yimaadaan, waxaana aan ku war-gelinaynaa Murashaxiinta in qabashada Araajidu ay xidhmayso beri 5ta-galabnimo, iyaga oo aanu u rajeynayno in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay arrintaas u qabtaan.”.Ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.
Waaxda Warfaafinta WADDANI