Somaliland: “Mujaahid Dad Badan baa Cuqdad Ka Qaba Ee Aniga Mujaahid Cali-Guray Ha I Odhanina…” Cali-Gurey

Date:

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey), ayaa isbarbar-dhigay Xaaladda ay ku nool yihiin Mujaahidiintii ka midka ahaa Ururkii SNM ee Xoreeyay Dalka iyo Nolosha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu Qasriyo dhistay isla-markaana ku nool yahay Nolol aad uga duwan ta Mujaahidiinta kale

Cali-Gurey oo Shalay Saxaafadda kula hadlayey Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in inta badan Mujaahidiintii SNM Gidaarrada fadhiyaan iyaga oo baahan isla-markaana la yaabban sida ay wax uga socdaan Dalku, sidaa daraadeed aanu jeclayn in isaga loogu yeedho Mujaahid, “Muuse waa Mujaahid oo waa Run, laakiin aaway Raggii kale ee Mujaahidiinta ahaa, sow kuwan Gidaarrada wada fadhiya ee wada Cawlan ee mid walba keligii Gidaarka fadhiyo ee uu yaabban yahay, intuu isagu Qasriyo dhistay, ee uu kala ballaadhay ee uu Adduunyo kala wareejistay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Daahir Rayaale oo ahaa Nabad-sugiddii Siyaad Barer ayaa Madaxweyne ka noqday (Somaliland) markaa waa maxay Mujaahidka la sheegayaa, Anigu Mujaahid ma ihi ee idinka ayuun baa iila baxay Mujaahid. Weliba waxaan leeyahay waar Erayga Mujaahid Dad badan baa Cuqdad ka qaba ee Aniga Mujaahid Cali-Guray ha I odhanina.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...