Ciyaaryahan Chelsea Ah Oo Wajahaya In Laga Ganaaxo Premier League Ka Dib Markii Uu Dhaawac Been Abuur Ah Uu Uga Baxay Xulka Dalkiisa.

Date:

Victor Moses ayaa wajahaya in hal kulan laga ganaaxo horyaalka Premier League ka dib markii uu lagu eedeeyay inuu dhaawac been abuur ah sameeyay sii uga fogaado inuu xulka dalkiisa Nigeria u ciyaaro kulamada isreebreebka Koobka Adduunka.

Moses ayaa ciyaaray 85 daqiiqo kulankii ay Blues ka badisay Hull isbuucii hore, si kastaba markii looga yeeray xulkiisa waxa uu sheegtay inuu dhaawac yahay oo uusan ciyaari karin.

Laakiin Moses kaliya ma ahan xiddig Premier League oo sidaasi sameeyay.

Xiddiga Watford Isaac Success ayaa si la mid ah sameeyay ka dib goolkii uu dhaliyay isbuucii hore ka dib markii uu kursiga ka soo kacay waxaana uu dhaawac ahaan uga baxay xulka dalkiisa.

Xiriirka kubada cagta Nigeria ayaana ka shakisay dhaawacyada ay sheegteen labada ciyaartoyda.

“Waan ognahay labada ciyaartoy kulamo fiican ayay ciyaareen, mana jirin dhaawac ka muuqday intii ay ciyaarta socotay ama ciyaarta ka dib” ayuu xubin ka tirsan xiriirka u sheegay Completesportsnigeria.com.

“Waxa ay noqotay lama filaan in la maqlo in Mosos uu dhaawac yahay oo uusan xulka u ciyaari karin islamarkaana Success uu isna kooxdiisa u ciyaaray ka hor inta uusan dhaawac sheeganin.

“Daacadii, ciqaab la’aan ma noqonayaan haddii baaritaankeena uu sax noqdo oo aan ogaano inaysan dhaawacneyn.

“Xaqiiqdii waxaan ku dacwenyenaa FIFA haddii aan ogaano inay dhaawacyo been abuur ah sheegteen si ay uga fogaadaan kulamada xulkooda.”

Sababta hal kulan loo ganaaxi karo Moses iyo Success ayaa ah in sharciga FIFA uu sidaas dhigayo haddii uu ciyaaryahan si ku talogal ah uga baaqsado in looga soo yeero xulkiisa, waxaa markaas laga ganaaxayaa hal kulan horyaalka dalka uu ka ciyaarayo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...