Lionel Messi oo isku diyaarinayaa hogaaminta kooxda Barcelona xili ciyaareedka cusub

Barcelona ayaa waxay isku diyaarineysaa inay markale dib ugu soo dhaweyso xidigeeda reer Argantina ee Lionel Messi.

Lionel Messi ayaa lagu wadaa in uu dib u bilaawo tababarka kooxda Barcelona, maadaama  uu  soo dhameestay  fasixiisa kadib koobka aduunka 2018.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu xaqiijiyay in Messi uu noqon doono kabtanka koowaad ee Blaugrana, kadib markii uu Andres Iniesta ku biiray J-League.

Lionel Messi ayaa maanta mari doono baaritaano caafimaad, waxaana ku wehlin doono dib ugu soo laabashada tababarka xidigaha Gerard Piqué, Jordi Alba iyo Sergio Busquets

Xilli ciyaareedkan wuxuu noqon doonaa kan ugu horreeyay ee Messi, ka dib 9 sano oo uu ka maqan yahay tartanka isaga iyo Cristiano Ronaldo, kadib markii uu kaga biiray kooxda Juventus.

Si kastaba Lionel Messi ayaa wuxuu doonayaa in Barcelona uu markale kula guuleysto koob kale, si uu u noqdo xidiga koobabka ugu bdan kula guuleestay taariikhda kooxda Blaugrana.

Comments

comments