Somaliland: Wasiir Cadaani Oo Mar Kale Hog Maddow Ku Xabaaley Cadaalada Shaqaalaha Masuulka Looga Dhigay Iyo Cadaaladii Muwaadiniinta Warfaafinta Oo Uu Fartiisa Ku Murdiyey.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa shaqada ka caydhiyey madaxdii waaxdda Farsamada wasaaradda warfaafinta iyo shaqaale kale oo tira badan . waxaana uu geed gaaban iyo mid dheerba u fuuley Sidi uu Ugu Kala Sadburin Lahaa Shaqaale Uu Cadaaladooda Madaxweyne SIILAANYO Ku Aaminey Balse Uu Kaga Jawaabey Eex Iyo Ugaadhsi Kala Midab ah.

Wasiirka oo cadho kala soo noqday Ceerigaabo isla markaanaku dhex Fasaqay Shaqadii Wasaaradda Warfaafintaayaa qaab aargoosi ah shaqada uga caydhiyey shaqaalihii ugu tirada badnaa ee halmar la wada eryo.

Wasiir Cadaani ayaa gudaha wasaaradda kaga qaylinayey in aanu wasaaradda ka shaqaynin shaqaale ka soo jeeda beesha bariga burco oo uu sheegay in uu ka tir tirayo wasaaradda warfaafinta idilkeed waxaana uu dalbaday ciidan xoogan oo u dhiibay liiska magacyo shaqaale iyo madax waaxeed uu ku sheegay in ay banaanka dhigaan.

Madaxda shaqada laga caydhiyey waxa ka mid ah Madaxii farsamada Wasaaradda warfaafinta Axmed Saleebaan Wayne. Madaxii waci galinta. MadaxiiFarsamadda idaacada qur’aanka kariimka ah iyo shaqaale kale oo laf dhabar u ahaa shaqada Wasaaradda warfaafinta.

Wasiir Cadaani ayaa si badheedh ah ugu sheegay Axmed Saleebaan Wayne oo Qaybta farsamada haystay in lix bilood u hadhay beesha bariga burco in ay Xukunka Dalka hayaan isla markaana ay shaqaale ka sii ahaadaan wasaaradda warfaafinta sidaas darteedna uu shaqada ka joojiyey. Axmed Saleebaan weyne Ayaa Ahaa Maskaxda Dhaqaajisa Farsamada wasaaradda warfaafinta oo xukuumaddo kala duwan hayey waxaana la sheegay in wasiirku ka daba socdo deeq wax barasho imaaraadku ugu deeqay shaqaalaha farsamada idaacada oo uu muddo badan ka shaqeynayey isagoo kaashanaya wasaarada diinta iyo awqaafta dalka deeqdaas oo markii uu si eex ah gacanta u galiyey masuulkani ay kansashay xukuuda Somaliland.Waxaana Muddo Yar Laga Joogaa Xili Shaqada uu Ka Caydhiyey Muniir Axmed Cigaal Oo Ka Tirsanaaa Hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta Gaar ahaan Tvga QARANKA.

Arimaha ugubka ah ee uu Cadaani ku kacay ayaa waxa ka mid ah in uu isla shalay shaqadii ka joojiyey agaasimihii maamulka iyo Lacagta Raxma Hoofle oo xaalad caafimaad ugu jirta dhakhtar ku yaala Wadanka Malaysia oo lagu qalay waxaana afkala qaad ku noqotay shaqaalaha wasaarada warfaafinta iyo shacbiga somalilandba in hal mar wasiirku cadaaladii shaqada ee muwaadiniinta ugu kala sadburiyo fartiisana uu ku murdiyey Wadda lahaanshihii qaranku ku caano maaley taas badelkeedana u magacaabay nin ay isaga ilmaadeer yihiin.

Haweenayda uu shaqada ka caydhiyey ayaa Dadku Kula Yaabeen Garaadka Siiyey Muwaadinad Xaalad caafimaad Umaqan Inuu Ka Caydhiyo Shaqadii ay qaranka u haysay Halkii laga Filayey Inuu Gar gaar ufidiyo waxaana lagu macneeyey Dhaqan ugub ah Oo La Dersay Cadaaniga Warfaafinta.

Wasiir Cadaani ayaa ah siyaasi socod barad ah oo salaanka siyaasadda la soo koray qabyaalad iyo reer nacayb oo uu ku kala soocay bulshada somaliland ee midka ah sidoo kale waxa uu inta badan shaqada ka caydhiyey shaqaalaha ka soo jeeda Beesha Siilaanyo oo uu sheegay in uu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayo siduu uga tir tiri lahaa wasaarada uu horjoogaha ka yahay waxaana uu shalay si aan gabasho lahayn wasaaradda horteeda qof kasta oo uu shaqada ka eryo u sheegayey in uu ka soo jeedo qabiil laga tir tirayo Wasaaradda warfaafinta taasi oo dhaawac ku ah Dawladnimada Somaliland waxaana uu Noqonayaa Masuulkii Ugu Horeeyey Ee Madaxweyne Siilaanyo Xil Ku Soora Isla Markaana Adeegii Qaranka Ugu Abaal Guda Ugaadhsiga Shaqaale Uu Masuul Ka Yahay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...