Suuqa Guur-Doonka Shiinaha Oo Toddobaadkan Xaami Ahaa Iyo Waalidiin Badan Oo Ubadkooda U Xulay Lammaanayaal

Date:

Kadib markii dhawr sano ka hor wadanka Shiinaha laga yagleeyey Suuqa Guurka oo ay isugu yimaaddaan dadka guur doonka ahi waxa suuqaasi oo toddobaadkiiba hal maalin albaabada loo furo lagana suuqaysto waxa ku cusbaa arrimo waaweyn oo xiiso badan iyada oo si gaar ah toddobaadkan loo weyneeyey suuquna awoodda u saaray in waalidiinta ubadkooda la raadinaya guur wanaagsan si gaar ah loogu adeego. Suuqani waxaa la furaa todobaadkii laba maalmood waxaana isugu yimaadda dadweyne kala duwan oo reer China ah.

Suuqan xiisaha badani waxa uu leeyahay darbi weyn oo lagu soo dhajiyo waraaqo kala duwan oo ay ku qoran yihiin Magacyada gabdho iyo wiilal kala duwan oo gaadhay da’da guurka isla markaana halkaa la isaga xulo adiga oo liisaska halkaasi lagu soo dhajiyo kala dooran kara hadba laamaanaha aad rabtana ka xulan kara adiga oo u eegaya sifooyinka uu leeyahay qofka magaciisa gidaarkan lagu soo dhejiyey. Waalidiinta ayaa goobta muddo gaaf wareega iyaga oo marba magac iyo warbixin akhriyaya waxaana waalidku uu eegayaa qofka uu u xuli lahaa wiilkiisa ama gabadhiisa sida uu yahay iyo warbixintiisa waxaa kale oo Qiimeyn iyo hababka la isugu xusho u badan ayada oo qiimeyn lagu sameynayo hantida qofku uu leeyahay sida Gaadhi, Guri, Dhul iyo wax la mid ah iyo waliba haddii uu qofkaasi haysto hanta lacag ah oo ugu jirta Akoonka xisaabeed ee bangiga.

Suuqan ayaa haddaba toddobaadkan xaammi ahaa  iyada oo ay isugu yimaaddeen boqolaal waalid maadaama maalinimadii Sabtidii ee toddobaadkan si gaar ah waalidiinta loogu daayay si ay uga bogtaan liisaska guur doonka ah ee gidaarka suuqaasi lagu soo xardhay si ay ubadkooda ugu xulaan lammaane ay is leeyihiin wuu ku tanaadi doonaa kuna barwaqaysan doonaa. Sida uu idaacadda Radio China u sheegay Lu Wing Su oo ka mid ahaa aabbayaashii suuqaasi u adeeg doontay toddobaadkan waxa ay waalidiin badani ku guulaysteen in ay halkaasi ka qaataan ciwaanada lammaanayaal ay ku qanceen markii ay suuqa ka dhex raadiyeen lammaanayaan ubadkooda ay u guuriyaan. “Waxaan ku faaxsanahay in aan saaka halkan kala kulmay magaca iyo ciwaanka gabadh iila muuqata in ay noqon karto middii ku habboonayd wiilkayga curad oo aan doonayo in aan u dhiso. Wiilkaygu waxa uu ka shaqeeyaa kambani weyn oo ka dhisan Shanghai, waxaanu da’ ahaan jiraa 27 sanadood.

Markii aan suuqa imid saaka waxaan ku dhex jiray muddo saddex saacadood ah oo aan ishaa-falato ku waday liisas boqolaal gaadhaya oo ay ku xardhan yihiin gabdho guud doon ahi. Waxa i soo jiidatay sawirka gabadh 25-jir ah oo jaamiciyad ah oo shaqaale ah taasi oo aan is leeyahay wiilkaagu wuu ku qanci doonaa. Marka aan toddobaadka dambe la kulmo wiilkayga ayaan u soo bandhigi doonaa gabadha aan macluumaadkeeda soo qaaday si uu ula xidhiidho oo ay isu bartaan” sidaa waxa yidhi Lu Wing Su oo isna u warramayay wargeyska Daily Mail oo arrinkan wax ka qoray. Suuqan Guur-doonka wadanka Shiinaha ayaa la mid ah Suuqyada guur doonka ee sida Online-ka ah u Shaqeeya Tusaale ahaan ka Website-yada oo ah in qof walba nasiibkiisa u xulo Lamaanaha uu is leeyahay waxa aad la wadaagi kartaa nolosha marka uu arko macluumaadka qofkaasi eek u jira mareegta. Balse suuqani waxa uu kaga duwan yahay kuwa online ka ah in waalidiintu fursad u haystaan in ay iyana booqan karaan suuqaasi oo ay ubadkooda u xuli karaan lammaanayaal guur doon ah.

kk-300x200 201343105643903729_8-300x198

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...