Nin Haasaawe Dumar Geed Ku Xidhay Markii Uu Baabuurkiisa Ku Xardhay “Reer Baan Leeyahay Ha Ila Hadlin”

Date:

Sawir Muujinaya nin Sucuudiyaan ah oo gaadhigiisa ku qoray halku dhegga ah “Reerbaan Leeyahay Fadlan Ha Ila Hadlinayaa si weyn la isugu dhaafsaday mareegaha Bulshada ee Facebook iyo Twitter iyada oo saxaafadda dalalka Carabta iyo duniduna si weyn wax uga qortay arrintaa xiisaha leh ee uu ninkaasi ku kacay isaga oo dhammaan haweenka guur doonka ah uga digay in aanay taleefankiisa soo garaacin ama isaga si toos ah u shukaansan maadaama aanay meeli uga bannaanayn oo uu dhawaan helay middii uu calmaday sidaana ku yahay nin reer leh oo aan haasaawe dumar haleel u hayn. Saxafi ka tirsan wargeyska sida weyn Sucuudiga looga akhristo ee Cukaz oo la hadlayay shabakadda wararka dalka Ingiriiska ee BBC-da ayaa ka sheekeeyey sida arrinkaasi u dhacay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Arrinkani waxa uu u dhacay sida aad u aragtaan. Waxa lagu war helay gaadhi nooca dadweynuhu isticmaalaan ee gaarka ah oo ninkii watay soo garab dhigay guri ka mid ah guryaha la goglo ee agabka lagu kireeyo. Ninkan ayaa la sheegay in uu ahaa nin dhallinyaro ah oo todobaadkii hore uun xafladda meherkiisa u dabbaal degay ahna nin mutacalim ah oo ka shaqeeya mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dalka Sucuudiga. Mar kali ah ayaa lagu war helay dadkii iyaguna goobta gaadhiga la dhigay ku sugnaa oo sawiro ka qaadanaya gaadhiga. Markii loo fiirsaday waxa ay gaadhiga ka sawiranayaan ayaa la ogaaday in ay gaadhiga ku qoran tahay Kelmado af carabi ah oo far waaweyn ku qoran kuwaasi oo gaadhiga muraayadihiisa daaqadda si weyn loogu sharraxay. Kelmadahan ayaa macnahoodu yahay: “Waxaan Ahay Nin Reer Leh, Ha Ila Hadlin”. Dadkii goobta gaadhigan ka ag dhawaa aad ayay ula yaabeen arrinkan waxaana dhacday in ninkii si toos ah loo waydiiyo sababta uu sidan u yeelay waxaanu ku jawaabay: “Waxaan khaati ka taaganahay haasaawaha hablaha. Maadaama ay sidaa tahay waxaan farriin ahaan ugu sheegayaa dhammaan haweenka guur doonka ah in aanan boos u ahayn dhawaana aan guursaday”.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...