Somaliland: “Waa Inaan Telefishanka Qaranka Laga Samaynin Xayeysiis Waxbarashada Ku Saabsan, Waayo Waa Dhalanteed Dumarka Iyo Carruurta Lagu Qaldayo”

Date:

Wasiirka Waxbarashada Oo Ka Digay Cidhib-xumada Ka Dhalan Karta Iidhooyinka Waxbarashada Gaarka Loo Leeyahay ee Laga Baahiyo Warbaahinta Qaranka+ Waxaanu Dhiggiisa Warfaafinta Ka Dalbaday In La Joojiyo Xayaysiisyada Ku Saabsan Goobahan Ee Laga Baahiyo SLNTV

“Waxbarashadii Dukaamo Yar Yar Bay Noqotay Oo Ganacsi Baynu Ka Daynay, Wasiirka Warfaafintana Waxan Ka Codsanayaa….”

“Runtaan Idiin Sheegayaaye Inanka Jaamacadaheena Kasoo Baxaa Arji Ingiriisi Ah, Mid Soomaali Ah Iyo Mid Carabi Ah Toona Ma Qori Karo, Waxbarashadeenuna…” : – Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee JSL

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta saree e Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habbane, ayaa walaac ka muujiyey muunad-baxa ku dhacay waxbarashadii Somaliland iyo sida ay tayadeedii u siinad baxday. Wasiir Cabdilaahi Dheere oo ka hadlayey madal lagu furayey jaamacad cusub oo kusoo biirtay jaamacadaha dalka ka jira, ayaa sheegay in qiimihii waxbarashada ay meesha ka saareen jaamacado iyo dugsiyo gaar loo leeyahay oo qasdigoodu noqday sidii ay tirada ardayda oo kali ah u badsan lahaayeen, isla markaana aan tayada dan ka lahayn. Wasiirku waxa uu sheegay in manaahijta kala duwan ee dugsiyada iyo jaamacada waddanka kusoo badanayaa kala dhantaaleen maankii da’yarta, isla-markaana ay jirto halis soo wajahday waxbarashadu,“waxbarashada bili-liqaa ka dhacday, ra’yiga haddii lagaa bililiqaystana way adag tahay bani’aadamka sida loo dhisaa, dalkana 49-manjah baa ku socda, jaamacadahana waxa looga baahan yahay inay xilka jaamacadda ay qaadayaan ay kasoo baxaan.” Ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi Dheere. Cabdilaahi Dheere waxa uu hoosta ka xarriiqay in bulshada reer Somaliland waxbarashada u fahamtay wax laga ganacsado, isagoo dhiggiisa warfaafinta ka codsaday inuu joojiyo xayeysiisyada uu TV-ga qaranku ka sameeyo waxbarasahda gaarka loo leeyahay, waxana uu yidhi,“Waxbarashadii ganacsi baynu ka daynay oo dukaamo yar yar bay noqotay oo soogalaay iyo xayeysiis bay noqotay. Wasiirka warfaafintana waxan ka codsanayaa inaan telefishanka qaranka xayeysiis waxbarashada ku saabsan laga samaynin, waayo xayeysiiskani waa dhalanteed dumarka iyo carruurta lagu qaldayo” Isaga oo sharraxaya sababta ay tahay in TV-ga qaranka looga joojiyo xayeysiinta goobaha waxbarasho ee gaarka loo leeyahay waxa uu yidhi,“Annagu waxbarashada dawladda ma xayeysiinno’e meelahaas kale haka xayeysiistaan, warkuna waa la gucleynayaa oo aroorta ina gaadhsii halkii xalay la xayeysiinayey weeyey.” Waxa uu dhaliilay tayada ardayda kasoo baxaysa jaamacadaha ku yaalla Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inaanay xataa qoran Karin codsiyo aqoonaysan,“Runtaan idiin sheegayaaye inanka jaamacadaheena kasoo baxaa Arji ingiriisi ah, mid soomaali ah iyo mid carabi ah toona ma qori karo, waxbarashadeenuna halkaasay maraysaa.” Ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi Dheere.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...