Xuseen Maxamed Maxamuud oo bare dhinaca diinta iyo culuumta maaddiga ah ka ahaa dugsiyo ku yaalla magaalada Goljanno ee gobolka Buuhoodle, isla-markaana gacanta ku hayey masaajidka magaaladaas ku yaalla, ayey ciidamada ammaanku dhawaan kasoo qabteen magaalada Laascaanood, waxana ay usoo dhaadhiciyeen magaalada Hargeysa oo uu haatan ku xidhan yahay.
Macallin Xuseen oo caan ka ahaa tuulada Goljanno, ayaanay ciidamada ammaanku weli ka hadlin sababta xadhigiisa, waxase wararka aanu haynaa sheegayaan in loo xidhay shaki dhinaca argagixisada ah oo soo galay.
Macallinka la xidhay, ayaa muddo dheer wax barayey ardayda ku dhaqan tuulada Goljanno, waxana uu khudbado iyo muxaadarooyin kala duwan ka akhriyi jirey masaajidka ku yaalla tuulada Goljanno, waxana daba-socod weyn ku hayey ciidamada Somaliland oo aakhirkii gacanta kusoo dhigay.
Shacabka reer Goljanno oo ay weheliyaan aradyadii uu macallinkani wax bari jirey, ayaa iyagu iskugu soo baxay mudaharaad ay xadhigga macallinka kaga cabanayaan, waxana ay xukuumadda ugu baaqeen inay xorriyadiisa usoo celiyaan macalinka la xidhay.
Midka kamid ah dadkii mudaharaadka cabashada ah eek a dhanka xadhigga wadaad Xuseen kasoo xaadiray, ayaa sidan yidhi, “2009-kii buu macallin dugsi ka noqday magaalada Goljanno, wax dembi ah oo u leeyahayna ma ogin, carruurtii uu wax u dhigayey waa kuwaan cidlada safan, dugsigii uu dhigayeyna wuu naga xidhan yahay, xukuumaddana waxanu ka codsanaynaa in ninkaas xorriyadiisa loosoo celiyo.”.
Ciidamada ammaanka Somaliland, ayaa marar badan gacanta ku dhigay wadaado afkaartooda ay xukuumaddu dhibsato, kuwaas oo uu kamid yahay sheikh Aadan Sunne oo weli ku jira jeelka.