Somaliland: Madaxwayne Siilaanyo Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo La Filayo Inay Maanta Gaadhaan Dalka Uk Iyo Ujeedada Socdaalkooda

Waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ee mudooyinkii u danbeeyeyba ku sugnaa dalka imaaraadka carabta ayaa saaka naloo sheegay inay waabarigii ka baxeen dalka imaaraadka carabta iyaga oo usii jeeda dalka Uk.

Waxaana sida wararku nagu soo gaadhayaan waftigan ay tagayaan magaalada London ee dalka ingiriiska iyada oo halkaasi ay diyaar ugu yihiin soo dhawayntooda jahliyada ku dhaqan magaalada London.

Madaxwaynaha ayaa sida naloo sheegay socdaalkiisa dalka ingiriiska waxa ku wahelinaya wasiirka madaxtooyada somalialnd,wasiirka arimaha dibada iyo waliba gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Ujeedada waftigan ayaa la sheegay inay ku taxaluqdo sidii beesha caalamka oo dawlada ingiriisku ka wakiil tahay waftigan uga soo dhaadhicin lahaayeen kala qaadista labada doorasho oo ay iyaguna walaac xoogan ka muujiyeen go’aana ka gaadheen iyaga oo sheegay in hakinayaan lacagtii ay ugu tala galeen doorashooyinka Somaliland ee wakiilada iyo madaxtooyada oo loo balan sanaa in mar la wada qabto dhamaadka bisha March ee sanadka 2017-ka.

 

Comments

comments