Snapchat oo soo bandhigtay ookiyaale kaameero leh

Date:

Shirkadda fariimaha lagu wadaago ee Snapchat ayaa soo bandhigtay ookiyaale-heedii u horeeyay ee leh kaameero.

Ookiyaalahan oo shirkaddu u bixisay Spectacles ayaa la suuq gayn doonaa dhamaadka sanadkan isaga oo lagu iibin doono 130 doolaar.

Ookiyaalahani wuxuu halkii marba duubi karaa 10 ilbiriqsi.

Ku dhawaaqitaan kan awgii Snapchat ayaa magaceeda ku badalaysa Snap, Inc.

Go’aankan ay shirkaddu magaca ku badalatay ayaa hoosta ka xariiqaya hamigeeda ah in aysan ku koobnaanin meel fariimo laisugu diro oo kali ah, inkastoo uu aad caan uga dhex yahay dhallinyarada.

Wargaysta Wall Street Journal ayaa Jimcihii daabacay maqaal uu uga hadlayo Evan Spiegel oo ah 26 jirka aas aasay Snapchat.

Waxaana la socday sawirro badan oo uu ka qaaday Karl Lagerfeld oo ah nin ku caan baxay sawirro qaadidda.

Even wuxuu sheegay in fasixiisii u horeeyay ee uu ku isticmaalo awkiyaalahan uu ku tagay Californian state park uuna ka soo qaaday muuqaalo xoogaa kaddib markii uu daawadayna uu aad oola dhacay in xasuustiisii ay indhihiisa hor taallo.

Ookiyaalaha kala dhiman

Ookiyaalahanni wuxuu dad badan xasuusin doonaa isku daygii shirkadda baaritaanka ee Google ay ku damacsanayd in ay samayso awkiyaalle caaqil ah.

Inkastoo Ookiyaalaha Google uu galay gacmaha shirkadihii sii sancayn lahaa ee adduunka dacaladiisa ku kala sugnaa iyaga oo midkaste oo ookiyaalahaas ka mid ah uu ugu kacay 1,500 oo doolar, haddana marnaba uma soo dhawaan in uu soo gaaro macaamiisha.

Shirkadda Google ayaa markii dambe hakisay samaynta ookiyaalahaas, balse waxay wali ku adkaysanaysaa in fikraddaasi aysan dhimanin.

Inkastoo caddaadis dhanka sancada ah uu soo fuulay awkiyaalahan haddana waxaaba taas ka sii darnaatay aragtida ay dadwaynuhu ka qaateen, qaar waxay u arkeen in tiknoolajiyaddan ay khatar ku tahay xogta gaarka ah ee shaqsiga, qaarkoodna waxayba ka dideen sida loo farsameeyay oo waxay u arkeen in uu fool xun yahay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...