Si Aad Lamaanahaaga U Qancisid La Imoow Hababkaan Looga Hortago Khilaafaadka Jaceylka…

Date:

Waxaa dhab ah in lamaanayaasha soomaaliyeed aay soo wajahaan khilaafaad aan dhamaad laheyn oo had iyo jeer taagan, hadaba hadii reer reerkaaga ama lamaanahaaga khilaaf faro badan idiin hareeyay qaab aad u xalisana waaysan wax badan ka baro qodobada aan kuu ifin doono haduu ALLE idmo.

Runtii qoysas iyo lamaanayaal faro badan ayaa ku kala tagay khilaafaad joogto ah oo soo kala dhex galo had iyo jeer, khilaafaadka bulshayoowgeena soomaaliyeed intooda badan waxaa u sabab ah asaga/ayada ima daryeelo maxaan u daryeelayaaa, iyo lamaanayaasheena oo ka dhaadhacsan.

Hadii lamaanahaada aad u muujiso jaceylka aad u qabto waa lagugu tumanayaa, hadaba hadii aadan u muujin jaceylka aad u qabto lamaanahaada siduu ku jirayaa jaceylka idiin dhaxeeyo, ogooow jaceylka had iyo jeer waa lagama maarmaan in leysku muujiyo, si labada qofba aay iskud areemaan.

Ugu horeyn waa in maskaxda laga saaraaa hadalkaas ku baahay lamaanayaasha soomaaliyeed oo ah hadii aan jaceyl badan inaan u qabo tuso waa uu igu tumanayaaa, ma ogtahay beerta hadii aan lawaraabin oo laga shaqeyn ineysan baxeyn, sidaa awgeed jaceylka waraabintiisa waa ayadoo si joogto ah leyskugu muujiyaaaa.

Hadii hadalkaas maskaxdeena aaminsantahay aan ka saarno waxaa qadka ka baxayo khilaafka ugu weyn ee u dhaxeeyo lamaanayaasha soomaaliyeed,

Markaad aragto in khilaaf idiin soo kala dhex galo hadana midba midka kale eedeynayo isku day inaad sabarto oo aad aamusto, aamusnaanta maahan shib inaad dhahdo oo aad afka qabsato taasi waxeyba sii abuuri kartaaa khilaaf cusub iyo anigaad I quursaneysaa, ee aamusnaanta waxaan ula jeedaa inaad u sabarto wax walbo oo lamaanahaaga kaaga imaado iskuna daydo inaad dejiso, adigana aad biyo isku soo shubto oo aad sooweysasato si aad tukato salaad suno ah.

Isku day hadalka idiin dhex marayo inuusan noqon mid qolka gudihiisa ka baxo si aaysan u maqlin dadyoowga idinla deriska ah, kuna dadaaal had iyo jeer in aadan ku hor qeylina caruurtiina hortooda waayo waxey cuqdad gelisaa ubaxa yar ee aad korineeysaaan.

Isku day inaad ogaato dhibka meesha uu ka jiro waayo khilaafka asalkiisa aad ogaato waxey kuu sahleeysaa inaad xaliso weliba si fudud waa hadii aad daacad tahaye.

Hadii aad cuqdad ama wax ka tabaneysid lamaanahaaga u sheeg si xal loogu helo hadii kale oo aad qarsato waxey abuureysaa cuqdad labada dhinac ah.

Weligaa markeey wax jiraan noqo qof u sheego lamaanihiisa, ha noqon qof markii la dhaho maalmahaan maxaa kugu dhacay wejigaaga ma fiicnee ku jawaabto adigaba waad ogtahay, qofka uurku baale maahan isku day inta aan leysla gaarin maxaa kugu dhacay inaad sheegato wax walbo oo tabaneysid.

Gunaanadka maqaalka xusuusnoow in khilaaf joogto ah aay dhaliso jaceylka oo leysku muujin, hana aaminin fikradaha kasoo jeedo nacabka jaceylka ee ah weligaa ha u jajabnaan lamaanahaaga, ragoow ogoow dumar waxaa hanan karo ninkii doqon u ah oo u jajabnaado, ad adeyga faraha badana waa lagu waayaa, shalaaytana adiga ayey kuu danbeyn doontaa markii aad kala tagtaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...